Muqdisho(Xogsoormedia.com):- Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Dadban ee Soomaaliya , Avv. Shooyinka Soomaaliya ee labada aqal iyo Madaxweynuhu waxaanu sheegay ugu dambayn bisha October la dooran doono Madaxwynaha Soomaaliya.
Avv. Cumar Dhageey, ayaa sheegay in doorashada xubnaha aqalka sare ay dhici doonto 25-ka bisha September ee sannadkan, sidoo kale Doorashada Aqalka Hoose ay dhici doonto 24-ka September illaa 10-ka Oktoobar.
Sidoo kale, Doorashada Guddoonka Baarlamaanka cusub ayuu Shaaciyay in ay dhacayso 25-ka Bisha Oktoobar, waxuuna carrabka ku dhuftay in Doorashada madaxweynaha ay dhici doonto 30-ka bisha Oktoobar ee Sannadkaan.
Hore ayaa mar kale loo shaaciyay in doorashada Gudoonka Baarlamaanka ay dhici doonto 28-ka bisha Oktoobar, halka tan madaxweynaha Soomaaliya ay dhici doonto 07-da bisha November ee sannadkan 2016-ka.
Dhanka kale Jadwalkii hore ee ay shaaciyeen warbaahin ay ka mid tahay HOL ayaa waxaa la sheegay in is-bedel lagu sameeyay, kadib markii mas’uuliyiinta Madasha Wada-tashiga Doorashada ay doodka yeesheen, taasoo keentay in Waqtigaas laga soo hormariyo.
Ugu dambeyn, Madasha Wada-tashiga Doorashada dalka ayaa weli Muqdisho ka socota, waxaana la dhawrayaa go’aannada laga soo saaro, balse si dhab ah looma oga xilliga War-murtiyeedka shirkan uu soo bixi doono
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland