Rio de Janeiro(Xogsoormedia.com):- Tooshka Ciyaaraha Olympiga,ayaa la soo gaadhsiiyay magaalada xarunta u ah dalka Brasil ee Rio de Janeiro oo lagu qabanayo sanadkan,iyadoo ay saamayn ku yeelatay Ciyaaraha Olombiga ee Brasil ka furmaya dhaqaale xumo dalkaa ka jirta isla markaana aanay wali tigidho badan oo ciyaaraha ahi iibsamin iyo cabsida cudurka Zika oo dalalka Latin Ameerika aad looga cabsi qabo in uu ku faafo oo dadkii ciyaaraha Olombiga u daawasho tegi lahaa cabsi galisay.
.Duqa Rio, Eduardo Paes, ayaa tooshka kusoo wareejiyay bartamaha magaaladaasi.
Goobta Olympiga ee magaaladaasi ayaa waxaa laga sameeyay daqiiqad aamusnaan ah, oo lagu xusayay dadkii ku dhintay ciyaarihii Munich ee sanadkii 1972.
Qaban-qaabiyayaasha ciyaarahan ayaa sheegay in aan weli la iibsan tikityo ka badan hal milyan, waxaana ay taasi u ku tilmaameen mid ka dhalatay dhaqaale xumida ka taagan Brazil iyo walaaca laga qabo fayraska Zika
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland