Askari Ka Tirsan Booliska Washington Oo Argagixiso Loo Haysto

0
334

 

Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Askari ka tirsan ciidanka  booliks dalka Maraykanka gaar ahaan qaybta gaadiidka ee Washington DC,ayaa lagu eedeeyay in uu qalab ka iibiyo kooxaha argagixisada isla markaana uu u fududeeyo in ay wada xidhiidhi karaan.

Nin ka tirsan booliska gaadiidka ee magaalada Washington, ayaa lagu eedeeyay isku day qalab taageero ah uu ku siinayay kooxda la baxday Khilaafada Islaamka.

images

FBI-da ayaa sheegtay in ninkan oo lagu magacaabo Nicholas Young uu ahaa Mareykankii ugu horeeyay ee ka tirsan ciidanka ee lagu eedeeyay dambiyo argagixisada la xidhiidh.

Waxaa lagu eedeeyay inuu iibsanayay kaararka hadiyadaha ee barnaamijyada fariimaha teleefoonada mobile-ada oo dagaallamayaasha kooxda Khilaafada ka caawinaya inay isla xiriiraan.

FBI-da ayaa la socotay ilaa 2010kii. Sanadkii 2011kii ayuu Mr Young Libya la tagay qalab militari isagoo la kulmay falaagadii isku dayaysay inay xukunka ka tuuraan taliskii Mucamar Al-qadafi.

Mr Young ayaa wajihi doona xabsi gaaraya 20 sano hadii dambiga lagu helo.

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland