Xukuumadda Somaliland Oo Jawaab Ka Bixisay Hadal Ka Soo Yeedhay Safiir Muqdisho Jooga

0
446

Hargeysa(Xogsoormedia.com):-Xukuumadda Somaliland,ayaa Jawaab ka bixisay hadal ka soo yeeshay safiir Muqdisho jooga oo sheegay in Baasaboorka Somaliland ay u aqoonsan yihiin ID-Cad.(warqad aqoonsi) isla markaana sheegtay in Somaliland iyo waddanka uu danjiraha u yahay in xidhiidh soo jireen oo qoto dheeri ka dhexeeyo Baasaboorka Somaliland,na lagu tago.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire oo ka hadlayay kulan uu maanta warbaahinta ugu qabtay xafiiskiisa isla markaana u jawaabayay danjiraha Dawladda Turkiga u jooga Soomaaliya,ayaa sheegay in aanay jirin cid Baasaboorkla Somaliland u aqoonsan karta wax aanu ahayn isla markaana uu Baasaboorka dalka Somalialnd yahay astaan qaran oo caalamka dalal badan oo uu Turkigu ka mid yahay lagu tago.

2016731636055612910232410IMG_7BBD1C-ED4A02-FAC616-ECF7E1-DDCD98-5C8236

Sidoo kale, wasiirku waxa uu sheegay in Passaporka Somaliland dalal badan oo uu ku jiro Turkiguu u fiiseeyeen, isla markaana ay kala duwan yihiin Passporka iyo ID-Carydka, isagoo khalad ku tilmaamay in Passporka lagu tilmaamo waraaq aqoonsi.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr:Sacad Cali Shire oo ka hadlaya xidhiidhka Turkiga iyo Somaliland u dhexeeya, waxa uu yidhi “Wadanka Turkiga waa wadan cilaaqaad dheer aynu leenahay, waxaanay halkan inala joogeen 1874- 1884 ayey wadankeena inala joogeen, waxyaalo badan ayey wakhtigaasi dhiseen, oo imika u baahan in la dayac tiro, oo ay balanqaadeen inay dib u dhisayaan, waa wadan tariikh dheer inaga dhexeyso, barigii inqilaabka lagu dayey waanu la xidhiidhnay waana u sheegnay in aanu ka xunahay mana ogolayn wadan dimuqraadi ah in la inqilaabo oo aanu ka soo horjeednaa”

Waxaanu intaas ku daray “Wadankeena waa wadan jira waxaynu ahayn wadan Ingiriiska maxkamiyad u ah oo mape ka aduunka ka jira, lixdankii waxaynu ahayn dawlad, inagoo dawladda waxaynu go;aan sanay inagoo la inala qasbayn in aynu Soomaaliya ku biirno, sodan sanno ayeynu soomaaliya isku ahayn dawlad qudha, dhibaato badana waynu kala kulanay, ka diban waxaynu go’aansanay in aynu gooni isku maamulno.Muddo 25 sanno waxaynu ahayn wadan gooni ah oo buuxiyey shuruudihii dawladnimo,inay wadan nahay waxa kuu cadaynaysaa heshiishyo badan ayeynu la galna dawladdaha iyo hay;adaha, marka madaxdeenu baxdana waxa loo tixgaliyaa sida dawladaha la ictiraafsan yahay madaxdoodda”.

Mar laga wax laga waydiiyey Safiirka Turkiga ee Soomaaliya inuu sheegay in Passporka Somaliland u aqoonsan yihiin ID-card oo kale, waxaanu arrintaasi kaga jawaabay “Paasapporka waxa jira wadamo badan oo aynu ku tagno, taas oo tilmaamaysa in la inoo aqoonsn yahay in aynu wadan nahay oo aynaan qayb ka ahayn Soomaaliya, Turkiga marka aynu tagnana waxaynu ku tagnaa Pasapoorkeena, waxa jira Dugsiga Nile Acadamey oo lala xidhiidhiyey inuu gacan saar la leeyahay ninka loo aaneynayo inuu ka dambeeyo inqilaabka, Turkiga waxa uu naga codsaday in aynu xidhno dugsigaasi, inaguna waxaynu nahay wadan shuruuc leh oo kala dambayni ka jirto, dugsigaasi si sharciga waafaqsan ayuu ku jooga oo heshiis buu inala galay oo shahaado ayeynu siinay ay  muddo dheer kaga shaqaysan karaan, arday badan ayaa dhigata, waxaanu nidhi baadhitaan baanu samaynayaa haddii ay soo baxdo inuu inqilaabkaasi lug ku leeyahay sharcigayagu wuxuu ka yidhaa ayaa laga yeelaya, haddii ay soo bixi waayana waxay noqonayaan dad aan dambi lahayn, marka waxaan rejaynayaa inay walaladeen inagu ixtiraamaan go’aankaasi iyo sharcigaasi”.

Isagoo hadalka sii wata waxa uu yidhi “Passporkeena in la yidhaa waa ID Card, taas cidna marti ugama nihin, waxaynu nahay qaran astaamo leh, waxa ka mid ah passporka oo wadamo badan lagu  tago, marka paasaboorkeenu ma passpoor baa mise waa ID card wax cid kale u yaalla maahee waa Paasanboor la fiiseeyo oo wadamo lagu gallo, waana khalad in lagu tilmaamo Kaadh aqoonsi ah”

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland