Laascaanood(Xogsoormedia.com):- Beesha Maxamuud Garaad(Maxamuud Bari) oo dhawaan ay Xukumadda Somaliland shir ay ku wada yeesheen magaalada Awr Boogayss ee Gobolka Sool,ayaa si wayn uga cawday hannaanka ay diiwaan galinta codbixiyeyaasah Gudiga Doorashooyinka Qaranku uga bilaabayaan Gobolka Sool isla markaana Shuruud ku xidhay in gobolka Sool ay ka qabsoonto diiwaan galinta Codbixiyeyaasha Doorashooyinka soo socda ee u muddaysan in ay dalka Somaliland ka qabsoomaan 2017,ka.
Waxaanay farriimo culus oo ay ku muujinayaan cabashadooda iyo duruufaha ku gedaaman diiwaan galinta Codbixiyeyaasha Gobolka Sool ay u kala direen Madaxweynaha Somaliland,Golayaasah qaranka ee Wakiiladda iyo Guurtida,gudiga Doorashooyinka qaranka,sadexda Xisbi qaran iyo Guddoomiyaha gobolka Sool.
Waxaanay caddeeyeen in aanay suurta gal ahayn in gobolka Sool in ay diiwaan galinta Codbixiyeyaashu ay ka qabsoonto illaa wax kaga qabto cabashadooda oo ah mid ay xaq u leeyihiin oo ay ku doonayaan in ay Xuquuqdooda ku helaan.
Waxaanay sidaa ku sheegeen bayaan ay ka soo saareen magaalada ;Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.
Bayaanka Beeshu soo saartay oo uu ku saxeexnaa afhayeenka guurtida Beesha Maxamuud Bari Cabdinaasir Maxamed Cawil,ayaa u dhigaa sidan.
JAMHUURIYADA SOOMAALILAND
Xafiiska Golaha Guurtida M/ Barri
Refx. iMBIH&K. G/SOOL
Ku: Commission-ka Doorashooyinka Somaliland
Og:G udomiyaha Gobolka Sool
Og: Xisbiyada Jamhuuriyada Somaliland
Og: Golayaasha Guuftida iyo Wakiilada Somaliland
Og: Wasiirada Jamhuuriyada Somalilnad
Og: Madaxweynaha Jamhuuriyda Somaliland
REPUBLIC OF
SOOMALILAND
Date 01/0812016
Ujeedo:- Cabasho
Anaga oo ah Golaha guurtida beelaha Mohamoud bari,i njiinle iyo kaskii qabe, waxaanu Madaxda Sharafta leh ee warqadani ku socoto ku wargelinaynaa oo
usoo gudbinaynaa, waxyaabaha aanu ka cabanayno rabnona in wax laga qabto.
Waan sidan hoos ku xusan:-
1′ Waxaanu ka cabanaynaa qaabka loo maamulay Diiwan gelinta gobolka sool haday tahay goobaha gudaha Degmada laascanod iyo Debedaba iyada oo beeshu dhulkii ay degi jirtay oo aanw ax goobo ahba lasiin gude iyo debedba.
- shaqaalaha diiwan gelinta gobolka oo layska maamushay lana shaqaalaysiin dadkii Degankau dhashay,
- wacyi gelinta diiwan gelinta oo aan soo gaadhin deegankayagaoo ahayd laf dhabarta ugu weyn hawsha diiwan gelinta gobolka sool ka socota. Sidaas awgeed waxaanu codsanaynaa in wax raga qabto cabashooyinkaas, hadii kale waxaanu u arkaynaa in commisionku hortaagan yahay in soonahayag layska diiwan geliyo ama wax diiwan gelin ahi aanay ka dhicin.
4.Sidaa darteed waxaanu Xukuumadda,Komishanka,goleyaasha qaranka iyo asxaabta qarankaba waxaanu ugu sheegaynaa isla markaana aanu faraynaa illaa cabasahdayada wax laga qabto oo la dhameeyo in aan gobolka wax hawl ah iyo diiwaan galin ah in aan laga samayn kari maadaama aanu nahay dad reer Somaliland ah oo in badan xuquuqdoodu maqnayd oo doonaya in ay helaan waxa ay xaq u leeyihiin.
5.Gudiga Doorashooyinka iyo Xukuumaddaba waxaanu faraynaa in ay gobolka keenaan guddi xaqiiqo raadin ah oo cabashadayada soo baadha oo soo xaqiijiya.
halkan ka dhugo kagana bogo bayaanka beeshu soo saaray oo sawiran.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland