Hargeysa(Xogsoormedia.com):-Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro,ayaa si dareen leh ugu damqaday isla markaana wadada ku dhaafi kari waayay Hooyo waayeel ah oo dhabarka ku sidday Xaabo ay dantu ku aliftay in ay dhabarkeeda ku soo qaadato ka dib markii ay xaalada nololeed u saamixi wayday in ay hesho wax ay dhuxu ku iibsato.
Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo u damqday hooyada waayeelka ah ee dhuxusha dhabarka ku sidday oo uu jid waddo ah kula kulmay ayaa gacantiisa ku qaaday xaabadii ay hooyada waayeelka ahi dhabarka ku sidday isla markaana gaadhigiisa ugu soo qaaday ilaa u soo gaadhsiiyay guriga ay ka degen tahay magaalada Hargeysa.
Guddoomiye Cabdiraxnaam Cirro oo ka hadlay qisada Hooyada Xaabada Xamaarsanayd ayaa sheegay in ay tahay duruuf noloeed oo adag isla markaana loo baahan yahay in qaranku ka furto xaalada ku kaliftay in ay soo xaabaystao Hooyada waayeelka ahi.
Waxaanu si hoggaamiyenimo ka dheehan tahay uu hooyada iyo xaabadeediiba u geeyay guriga ay ka degen tahay caasimadda Hargeysa.
Hadaba halkan ka waado.
Xogsoormedia.com
Xogsoormedia24@gmail.com
Xogsoormedia.com@gmail.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland