Saylac(Xogsoormedia.com):- Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Selel Gaashaanle Dhexe Maxamed Cilmi Yaasiin Taliye Ku-xigeenka Qaybta booliska Gobolka Selel Gaashaanle Raage Muuse Dirir, iyo dirawal Boolis Dable Maxamed Suge Muunin.ayaa dhaawacyo culusi soo gaadheen ka dib markii ay banka Giriyaad isku galeen gaadhi ay wateen oo ka mid ahaa kormeer degmooyinka Gobolka Selel ay wada jir ugu soo marayeen Guddoomiayaha Gobolka Selel iyo Taliyeyaashu iyo gaadhi Xamuul ah oo dhanka Jabuuti ka yimi.
shilka Taliyeyaasha iyo dirawalkoodu ay ku dhaawacmeen ayaa la sheegay in uu ka soo gaadhay dhaawacyo aad u culus isla markaana aan waxba lagaga qaban karayn degmada Saylac loona qaadi doono dhanka dalka Jabuuti.
Saraakiisha Booliska ee shilka ku dhaawacmay ayaan wali war rasmi ah laga hayn sida ay wax u qabaan iyo nooca dhaawacyada soo gaadhay.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland