Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Beesha Maxamuud Garaad ee Gobolka Sool ayaa shir ay ku qabsatay degmada Adhicadeeye ee Gobolka Soola ayaa laga soo saaray sagaal qodob oo ay beeshu isku raacday.
Waxaanay qodobada shirka Beesha ka soo baxay lagu caddeeyay in Beeshu ay si buuxda u tahay dad ahaan iyo dal ahaanba Somaliland isla markaana aanay deegaanadoodu ahayn kuwo la isku haysto.
Waxaa kale oo ay fariimo u kala direen beelaha kale ee gobolada Sool iyo Buuhoodle oo ay ku booriyeen in ay ku soo biiraan oo ay kula midoobaan Somaliland.
Waxaa kae oo ay Xukuumadda Somaliland iyo gudiga Doorashooyinka Qaranka ka codsadeen in deegaanadooda si dhamaystiran looga hir galiyo diiwaan galinta Codbixiyeyaasha oo la filayo in ay dhawaan ka qabsoonto gobolka Sool.
Hadaba halkan ka daawo.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland