Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo,ayaa qaranka Somaliland,qoyska,qaraabada iyo asxaabta uu ka baxayba ka tacsiyeeyay Cabdiwahaab Xaaji Cabdillaahi Diiriye (Gamgam) oo caawa xanuun ku soo booday ugu geeriyooday caasimadda Somaliland ee Hargeysa,waxaanu Marxuumka ALLE uga baryay Madaxweyne Siilaanyo in uu janada ka waraabiyo oo uu u naxariisto.
War saxaafadeed ka soo baxay aqalka Madaxtooyada Somaliland oo nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay Xafiiska Xogsoormedia.com oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka Madaxtooyada Somaliland,ayaa u dhignaa sidan.
TACSI MADAXWEYNE
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo Isagoo ku hadlaya magaciisa, kan dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, Qoyska Ehelada, Qaraabada, Asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdiwahaab Xaaji Cabdillaahi Diiriye (Gamgam) oo 26/07/2016, Caawa xanuun ku soo booday ugu geeriyooday Hargeysa.
Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ku sifeeyey Aqoonyahan, fiiro dheer qaranka Somaliland-na ku lahaa taariikh ma guurto ah, door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii, dib u dhiskii iyo horumarka dalka, isagoo siyaabo kala duwan ula soo shaqeeyey dawladihi kala dambeeyey ee Jamhuuriyadda Somaliland hoggaanka u hayey mudadaa rubuc qarniga ah ee ka soo wareegtay la soo noqoshada madaxbanaanida Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistiisa janno ee macaan ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, Qoyska, Qaraabada, Ehelada, Asxaabta iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Cabdiraxman Sh. Cilmi Faahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland