Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Cabdilaahi Ibraahin Habane(Cabdilaahi Dheere,ayaa ka hadlay Muddaharaad ka dhacay degmada Sheekh oo lagaga soo hor jeeday Xukunkii Maxkamadda Ciidamada Somaliland ee Derejada koobaad ku riday eedaysanayaasha dilkii Taliyihii qaybta Booliska gobolka Saaxil.
Waxaanu Farriin u diray bulshada gobolka Saaxil oo uu kula taliyay in ay si miyir qab ah oo lagu kala bogsado arrinta u galaan isagoo intaa ku daray in aan looga baahnayn ciddii wax geysatay in ay waliba xaalad kale sii abuurto.
Ugu dambayna wuxuu sheegay in aan bulshada reer Somaliland kala lahayn dekeda Berbera iyo wadada dalka isku xidha oo aan la kala sheegan karin isla markaana haddii dekeda Berbera uu reer yeesho in reer kastaaba Deked dhisan doono.
hadaba halkan ka daawo.
Xogsoormedia24@gmail.com
Xogsoormedia.com@gmail.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland