“Umad Haddi Uu Hiddahoodu Lumo iyaguna waay Baaba’aan.” Guddoomiye Cirro

0
332

Hargaysa(Xogsoormedia.com):- Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro,ayaa sheegay in Umadda Somalialnd ay aad u jeceshay una ilaashato dhaqankooda iyo afkooda,waxaanu hambalyeeyay hirgalinta Xarunta Dhaqanka Hargeysa iyo cid kasta oo gacan ka geysatay furitaanka iyo hirgalinta Xaruntaas.

Waxaa kale oo uu wax qabad muuqda oo dalka,dhaqanka iyo afkaba mid wax wayn ku soo kordhiyay ku asteeyay carwada Buugaagta Hargeysa oo markii sagaalaad oo xidhiidha ah Hargeysa ka furantay isla markaana sanad kasta lagu qabto Caasimadda Somaliladn ee Hargeysa.

c1c2

Waxaanu sidaa ka sheegayu munaasibad casho sharaf ah oo loo sameeyay aqoonyahanka iyoi dublamaasiyiinta ajaanibka ah ee ka soo qayb galay bandhigga Sagaalaad ee Carwada Buugaagta Hargeysa.

Munaasibadan oo ka dhacdey xarunta dhaqanka ee Hargeysa ayaa waxaa ka soo qeyb galay dad badan oo Ajaanib ah isla markaana Hargeysa u yimid sidii carwadaasi uga qeyb gal lahayeen , dhalinyaro , Haween , siyaasiyiinn , wasiiro iyo marti sharaf Kale .

c5c3

horeyn waxaa madashaasi ka hadley wasiirka wasaarada warfaafinta Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Cadaani waxaana uu sheegay in masuulyiinta xarunta dhaqanka ee Hargeysa uu uga mahad celinaayo maamuuskan ay u sameyeen dadkii ajanibka ahaa ee ka soo qeyb galay bandhiga buugagata ee Hargeysa .

Sidoo kale waxaa munaasibadan ka hadley Abwaano , Qoraayo iyo dad Ajaanib ah waxaana ay dhamaantood ka hadleen ahmiyada ay leedahay ku dhaqanka iyo soo nooleynta hiddaha iyo dhaqanka ay qoomiyadi leedahay .

 Gabo gabadii waxaa casho sharafta soo afmeeray isla markaana  hadal kooban ka jeediyay Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo sheegaitaankeedu uu ku xidhan yahay sida ay dhaqankeeda iyo afkeeda u ilaashato

“Umad haddi uu hiddahoodu  lumo iyaguna waa ay baaba,aan shacbiga reer Somaliland waa dad ku faana dhaqankooda , hiddahooda iyo afkooda xaruntanna waxay soo nooleynasaa hiddaha iyo dhaqanka Somalida

Waxaanan  u mahad naqeynaa cid kasta oo halkan maal galisay xaruntan , waxaaan is leeyahay oo kale carwada sagaal jirsatey ee bandhiga Buugagta wax weyn bay arimaha aanu ka hadleyno ay ku soo kordhisay ” ayuu yidhi gudoomiye Ciro

 Xogsoormedia.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@gotmail.com

Hargeysa Somaliland