Gud. Maxkamadda Sare Oo Ka Hadlay Doorka Caddaaladdu Ku Leedahay Hoggaaminta

0
413

“Cabbudhinta iyo faafreebka saxaafaddu xal maaha, ogolaada in Idaacado laga furo Somaliland”

Prof Karikari, weftiga ka socda Gaana oo ah martida Bandhigga Caalamiga ah ee Buugta Hargeysa.

Hargeysa(Xogsoormedia.com):-Bandhigga Caalamiga ah ee Buugta Hargeysa ayaa galay maalintiisii sadexaad, iyada oo lagu qodobo ay ka mid  yihiin doorka Bahda Caddaaladu ku leeyihiin hoggaaminta, sidoo kale waxa bandhigga maanta ka qayb qaatay martida sanadkan oo ah Dalka Ghana, waxaana lagu soo bandhigay buug kala duwan oo ay ka mid yihiin buugga The Morning Tree oo uu qoray Maxamed Baaruud Cali oo ka mid ahaa dhalinyaradii UFFO.

0a11eec6-eba4-4e54-80fa-48a0423cf5b8b1

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali ayaa khudbad  uu ka jeediyey Bandhiga Caalamiga ah ee Buugta Hargeysa oo galay maalintiisii sadexaad waxa uu faahfaahin ka bixiyey doorka hoggaaminta hay’addaha  cadaaladda iyo dib u habaynta ay ku sameeyeen.

Gudoomiye Aadan ayaa waxa uu xusay inay maamul daadajin u sameeyeen bahda garsoorka, isla markaana gaadhsiiyeen gobolada dalka si dadka aan soo gaadhi karayn caasimadu ay magaalooyinkooda uga helaan, waxaanu yidhi isaga oo guddoomiyuhu arrimahaasi ka hadlaya “Qaybo badan oo  garsoorka ka mid ah waxaanu gaynay gobolada dalka si qofka aan caasimada soo haleeli karayn uu uga helo halkaasi”.

3d27a4f2-055a-44ba-a2b3-772d6e977467e9edfaf0-d1f8-42c3-b074-09e30acbbff9

Gudoomiyaha ayaa  waxa uu xusay inay wax ka qabteen dadkii laaluushka qaadan jiray iyo kuwiii  bixin jiray oo ay dabo  gal ku sameeyeen.

“Waxaanu wax ka qabanay dadkii laaluushka qaadan jiray ee maxkamadaha ka shaqaynayey iyo kuwii bixin jiray, iyada oo aanu dabogal ku samaynay, waxaanu sidoo kale qaadanay shaqaale  leh aqoonta sharciga oo u badan maamul” ayuu  yidhi Aadan Xaaji Cali, gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland.

b8d79de4-4af8-46dc-8ce7-379e3f8bac7dkkkkkk

Guddoomiyaha ayaa  sheegay inay caddaaladu ka bilaabanto bulshadu marka ay fahanto, isaga sheegay inay  in ay dadka u simeen caddaalada iyo garsoorka, isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Qofka Caanka ah, Kan msuulka iyo ka taajirka ahi waxay la sinmeen dadka caadiga ah oo kalsoonidii dadka waanu soo celinay in badan, maadaama dadka qaar maxkamaddaha wax kale ka aminsanayeen oo ay kaba cabsoon jireen hadi maxkamadda arrin ama kiis ka galo, waxanu samaynay si anu kalsonidaas u soo celino inaanu adkayno garsoorka iyo qareenada dadka u dooda oo dad aqoon leh oo dhisan keeno oo qofku ku kalsoonaan karo inuuu xaq badan badan soo dhicisan karo, markaa imika dadku way amineen garsoorka iyo maxkamadaha” ayuu yidhi Guddoomiye Aadan X. Cali.

Dhinaca kale Weftiga  ka  socda  dalka Sanadkan martida u ah Bandhiga Caalamiga ah ee Buugta Hargeysa oo ah Ghana  ayaa falanqayn ku sabsan doorka hogaamintu ku leedahay horumarinta bulshada iyo  haweenku sida ay dalkooda uga qayb qaataan horumarinta bulshada ka jeediyey Bandhiga  oo galay maalintii sadexaad.

Weftiga ka socda dalka martida ah ee Ghana ayaa waxa  ka mid ah Professor Kwame Karikari oo muddo todoba sanadood ahaa macalin jaamacadeed oo cilmiga Warbaahinta iyo Xidhiidhka bulshada, Professor Atukwei Okai oo ah qoraa iyo xoghayaha  qorayaasha Pan-African (Dhaqdhaqaaqa midaynta Afrika), isaga oo gabayadiisa loo turjumay ilaa lix luqadood, Amma Darko oo ah Suxufiyad madaxbanaan iyo Joe Addo oo nashqadayso dhismayaasha caasimada Ghana ee Acra.

Bahdan ayaa falanqeeyey doorka hoggaaminta ee horumarinta bulshada, iyada oo Amma Darko ka hadlaysa hoggaaminta waxa  ay tidhi “hoggaamintu  kaliya maaha sharciga iyo maxkamadaha, hoggaamintu waa horumarinta bulshada”.

Amma Darko oo ka hadlaysa doorka  hoggaaminta ee dhalinyarada  waxa ay tidhi “Dhalinyaradu had iyo jeer  waxa  ay masuul ka yihiin hoggaaminta iyo dhismaha bulshada”.

Prof Karikari, weftiga ka socda Ghana oo ah martida Bandhigga Caalamiga ah ee Buugta Hargeysa ayaa Somaliland talo ku sabsan warbaahinta u soo jeediyey waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya  “Cabbudhinta iyo faafreebka saxaafaddu xal maaha, ogolaada in Idaacado laga furo Somaliland”

Sanadkasta  Bandhiga Caalamiga ah ee  Buugta Hargeysa waxa loo qaataa waddan marti ah oo soo bandhiga qoraaladooda iyo  mawduucyo dalkooda  khuseeya.

Sidoo kale waxa la soo bandhigay  Buugga The Morning Tree, Buuggan oo ka hadlaya Taariikhdii UFFO oo ah kooxdii dhalinyarada ahayd ee bilawday kacdoonkii SNM ayaa waxa qoray Maxamed Barud Cali, iyaga oo madasha ka soo jeedinayey Axmed Muxumed Madar, Maxamed Baaruud Cali iyo Cabdiraxmaan Basalo oo ka mid ahaa dhalinyaradii UFFO ee la xidhxidhay

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia.com24@gmail.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland