Hargaysa(Xogsoormedia.com):- Maxkamadda derajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Somaliland ayaa maanta Xukun Xadhig ah ku ridday Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Saaxil isla markaana sheegtay in lagu waayay dambigii hore loogu soo oogay ee la xidhiidhinayay in uu wax kala socday ama ka qayb qaatay dilkii Taliyihii hore ee Qayta Booliska Gobolka Saaxil Gaashaanle Casayr oo koox dablay ahi au ku dishay duleedka tuulada Biyoolay ee gobolka Saaxil.
Gudoomiyaha Maxkamada Derajada 1aad ee Ciidanka Somaliland Cornayl Yuusuf Faarax Sharmarke Waxa uu sheegay in Gudoomiye Ku Xigeenkii hore ee Gobolka Saaxil Xaamud Xuseen Cabdilaahi Isla markaana la socday Xiligii Taliyaha la dilay lagu waayay Denbigii lagu soo eedeeyay oo ahaa Shirqool Hasa Yeeshee Waxay Maxkamadu ku Xukuntay 8 Bilood oo Xadhig ah kadib markii uu dhayalsaday digniin laga siiyay ragan falka gaystay Ka Hor intii aanay Falkan Fulin.
Masuulkan Hore ee xukunka lagu riday ayay wada socdeen markii Taliye Casayr la dilay iyagoo u socday tuulada Biyoolay oo ay social shaqo ku tagayeen laakiin intii aanay gaadhin dhexda koox dablay ahi ay u gashay halkaana ay ku dileen Taliye Casayr.
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland