Beesha Maxamuud Garaad Oo Qabsanaysa Shir Ay Danahooda Kaga Hadlayaan Iyo Xildhibaan Koore Oo Ka War Bixiyay

0
418

Laascaanood(Xogsoormedia.com):- Beelaha Maxamuud Garaad  ee Gobolka Sool,ayaa la filayaa in ay dhawaan ku qabsadaan  Goolka Sool shir ay aayahoda kaga hadlayaan isla markaana ay ugu mdoobayaan danta guud ee beelaha Maxamuud Garaad,

Shirkan oo ay maalmihii ugu dambeeyay qaban qaabadiisu ka socotay magaalada Laascaanood isla markaana la filayo in uu maalmaha soo socda ka furmo isla magaaladaas,ayaa waxaa ka warbixiyay Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland isla markaana laga soo doortay gobolka Sool.

XILDHIBAAN-SALEEBAAN-CALI-KOORE

Xildhibaan Saleeban Cali oo Gobanimonews khadka Telefoonka ugu waramay isagoo ku sugan Magaalada Laascaanood, ayaa sheegay in shirku socon doono saddex maalmood ugu badnaa, laguba marti qaaday in ka badan Afaar boqol (400) Ergey oo ka kala socda saddexda beelood ee Maxamuud Garaad, isla markaana mowduuca ugu weyn ee lagaga wada hadlayaa tahay sidii Beelahaasi isku afkaar uga noqon lahaayeen horumarinta Gobolada Sool, Sanaag iyo Xaysimo iyo talo-midaysanna uga yeellan lahaayeen arrimaha siyaasada iyo dhaqaalaha, dawladda Somaliland wax ula qaybsan lahaayeen iyagoo mid ah. “ Shirku waa Shir aanu doonayno inaanu ku mideyno Beel-weynta Maxamuud Garaad, oo  ah Beesha Ugaanyahan iyo beesha Jaamac Siyaad, wuxuu qabsoomayaa saddexda maalmood ee soo socda, waxa lagaga hadlayaa waa sidii Beeshaasi ugu midoobi lahayd ama isku fikir uga noqon lahayd midnimada iyo wax wada qaybsiga Somaliland”.

“Illaa afar boqol oo Ergay (400) ayaannu isleenahay haka soo qayb galeen oo lagu casuumay. Gogosha waxa fidiyey siyaasiyiinta iyo dadka kale ee hormuudka ah ee beelahaas.”

Waxaanu isleenahay shirkan waxa ka dhalan kara fikir guud oo dhulbahante danihiisa ugu midoobo”ayuu yidhi xildhibaanka oo ka war bixinayey howlaha Shirka iyo halka wax marayaan.

Xubnaha hormuudka u ah qabanqaabada Shirka waxa kamid ah Wasiirka Wasaarada Biyaha Baashe Cali Jaamac, Xildhibaan Cabdiqaadir Indho indho, Taliyaha qaybta Bariga Sool ee Ciidanka Qaranka Mahad Camaabshe Ganacsade Maxamed Jabuutaawi, Maxamed Faratoon iyo xubno kale oo isugu jira Siyaasiyiin, waxgarad iyo aqoonyahan  miisaan ku leh Gobolada Sanaag iyo Sool.

Xildhibaan Koore oo wariyuhu waydiiyey in shirarkan isdaba socda u muuqaal eegyihiin kuwii gobolada dhexe ee Somaliland ka dhacayey ee lagu heshiisiiyey  Beelaha Isaaq markii dawladda Somaliland la dhisay ,waxa uu ku jawaabaay: “Waa la odhan karaa waxay u eegtahay halkii xaaladu maraysay markii Beelaha Garxajis la heshisiinayey 1998-kii ilaa 1997-kii , xilligaas halkay marayeen beelaha Isaaq waa la odhan karaa, markaa waxaanu rejaynaynaa in wax wanaagsani ka soo bixi doonaan”ayuu ku jawaabay.

Arrinta Diwaan-gelinta codbixiyeyaasha oo hadda ka socota Gobolka Sanaag, isla markaana lagu wado inay Gobolka Sool u gudubta, ayaa Xildhibaanku sheegay in looga diyaar garoobay Gobolkaas,  ka qayb-qaadashadeeduna ku jirto qodobada  ajandaha u ah Shirka.  “Dadku waa u diyaar diwaan-gelinta, waanay gelayaan horena way ugu diyaar garoobeen, markii ay ka bilaabantay Sanaagna dadka qaar halkaa degen ayaa tegayey”.

Xildhibaan Koore  oo wax laga waydiiyey xidhiidhka ka dhexeeya shirka lagu soo gabagabeeyey Awr-boogays iyo qorshaha sahaminta Shidaalka ee deegaamada laga fulinayo ay kamid tahay Degmada Xudun oo Beeshiisu degto, su’aashaasoo ka dhalatay sida xukuumaddu muhiimada gaarka ah u siisay suurto-gelintiisa, ayaa xildhibaanku si cad u beyaamiyey. “Shirka Awr boogays, wax shaqo ah kumuu lahayn howlihii Shidaal baadhista oo aan moodayeyba inuu sahankoodii dhamaaday, xukuumadduna wax door ah kumay lahayn maamulkiisa ee wuxuu ahaa shir annagu aanu go’aansanay qabsoomidiisa, dawladduna way naga taageertay, wixii ka soo baxayna wax mad-madow ku jiro muu ahayne waa la wada ogyahay oo waatii la beyaamiyey”.

Shirka Awr-boogays ayaa qodobada ka soo baxay waxay muujiyeen hab lagu sameyn karo isbedel siyaasaddeed iyo maamul oo go’doonka ka saari kara Gobolada SSC oo dhan, waxaana aragtiyaha ka soo baxay haddii sida ay yihiin loo fuliyo ka dhalan kara isfaham iyo horumar fiican oo ay ku talaabsadaan Gobolada aan adeegyada dawladdu sida fiican u gaadhin.

Shirkan laascaanood-na wuxuu sii kabi karaa qorshaha cusub ee lagu yagleelayo wajiga siyaasaddeed ee ay Dawladda iyo Siyaasiyiinta gobolkaa ugu jiraa doonayaan inay wax ku qaybsadaan bulshada Somaliland

 xigasho Gobanimonews.com

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@gotmail.com

Hargeysa Somaliland