Munich(Xogsoormedia.com):- Illaa Hadda Lix Qof ayay booliksa magaalada Munich ee carriga Jarmalku xaqiijiyeen in ay ku dhinteen weerar rsaas loo adeegsaday oo lagu qaaday dukaan ku yaalla magaalada Mincih ee koonfurta dalka Jarmalka oo ay weerar hubaysan ku qaadeen koox dablay ah oo aan wali la aqoonsan.
Afhayeen u hadlay booliska ayaa sheegay in lix qof lagu dilay weerarka tiro kalena lagu dhaawacay. Booliska ayaa sheegay in weerarkaasi uu noqon karo mid argagixiso.
Ciidamada ayaa isku gaadaamay goobta uu weerarka ka dhacay, waxaana sidoo kale la joojiyay guud ahaan gaadiidka ka dhex shaqeeya magaaladaasi, waxaana magaalada dul heebaabaya diyaaro helikobtar ah oo ay boolisku leeyihiin.
Weerarka ayaa billowday kaddib markii rag hubeysan ay tacshiirad ku fureen maqaaxida ku dhex taala goobtaasi laga dukaameysto.
Dad goobjoogeyaal ah ayaa sheegay in ay arkeen ugu yaraan saddex nin oo rasaasta kaddib ku sii cararaya maxadda tareen oo halkaasi ka ag dhow.
Haybta iyo ujeedada dableydani wali lama oga haseyeshee weerarkan ayaa ah kii labaad ee todobaadkan gudihiisa ka dhacay dalka Jarmalka.
Madaxweyne Obama ayaa sheegay in Mareykanka uu Jarmalka u ballan qaadayo wax kasto oo ay uga baahdaan.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland