Somaliland Oo Aan U kala Hadhin Caleema Saarka Suldaanka Maxamed Daa’uud

0
354

Qoton(Xogsoormedia.com):-Caleemo Saarka Suldaan Sakariye Suldaan Maxamed Cabdilaahi Galaal oo ah Suldaanka guud ee beesha Maxamed Daa,uud(Guuyoobe),ayaa smaanta  ku qabsoomay tuulada Qoton Dabo oo ka tirsan degmada Sabawanaag ee gobolka Maroodijeex.

Caleemo saarka Suldaan Sakariye Suldaan Galaal,ayaanay u kala hadhin bulshada reer Somaliland madaxdhaameed,Xukuumad iyo Asxaab isla markaana si wayn  looga wada qayb galay.

Caleemo-saar

Munaasibadda Caleemo saarka oo isugu jiray Boqoro,Garaado,Salaadiin iyo oo ay tiradoodu ahayd dhawr iyo labaatan ayaa dhamaantood caleemo saarka Suldaan Sakariye Suldaan Maxmed Cabdilaahi ugu duceeyay in ALLE ka dhigo Suldaan la mahadiyo.

Waxaa kale oo ka qayb galay  Caleemo Saarka Suldaan Sakariye Xubno ka tirsan golaha Wasiiradda Xukuumadda Somaliland madaxda Xisbiyada Qaranka.

Waxaana munaasibadda Caleemo saarka Suldaan Sakariye ka qayb galay Guddoomiyeyaasha Xisbiyada UCID iyo WADDANI Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbi Xaakimka KULMIYE Jaamac IsMAACIIL Cge (Jaamac Shabeel). Mudaneyaal ka tirsan labada gole qaran,ganacsato Culimo aw diin siyaasiyiin iyo marti sharaf kale oo tiro badan.

Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland  Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo hadal kooban ka jeediyay Caleemo saarka Suldaan Sakariye,ayaa Suldaanka cusub ugu duceeyay in ALLE xilkiisa ku asturo isla markaana uu ka dhigo Suldaan dhaqan oo la mahadiyo.

Goobta munaasibadda Caleema saarka Suldaan Sakariye ku qabsoonta ayaa ah  isla goobtii lagu caleemo saaray Alle ha u naxariistee  Aabbihii Suldaan Maxamed Cabdilaahi Disamber 1996,kii.

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

Xogsoormedia24@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland