Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Oo Ka Hadlay Weerarka Punland Dalka Ku Soo Qaaday Isna Bar Bar Taagay Ciidanka Qaranka
Ceerigaabo(Xogsoormedia.com):- Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro),ayaa ka hadlay dagaalka Punland saaka ku soo qaaday degmada Dhahar ee gobolka Sanaag ee Somaliland.
Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo khadka tilifoonka ugu waramay Shabakada Wararka ee Xogsoormedia.com,ayaa sheegay in ka xisbi ahaan iyo ka baarlamaan ahaanba ay garab taagan yihiin ciidanka qaranka ee naftooda u huraya difaaca qaranka Somaliland waxaanu ku hambalyeeyay sida ay heeganka ugu yihiin mar kasta difaaca qaranka Somaliland.
Waxaa kale oo uu farriin adag u diray maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland.
“Mar kasta waxaanu garab taaganahay ka xisbi WADDANI ahaan iyo ka gole ahaanba Ciidamadda Somaliland ee qalabka sida oo uu ugu horreeyo ciidanka qaranka ee u taagan in ay difaacaan ciidda iyo calanka Somaliland,waanan kala simanahay in dalka laga difaaco cadaw kasta oo ku soo duula.”ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.
Waxaa kale oo uu farriin adag u diray maamulka Puntland oo uu ku adkeeyay in ay dib uga noqoto dagaalka ay ku soo qaaday dalka Somaliland.
Guddoomiye Cirro isagoo dagaalka dhacay ka hadlayay waxaa uu yidhi. “Puntland waxaan leeyahay dib uga noqda dhulka Somaliland ee aad ku soo duusheen,Somaliland dhaqankeeda maaha in ay cid ku duusho dalkeeda ayay difaacanaysaa cidna uga habran mayso markaa waxaan leenahay Puntland nabad gelyada iyo jaarnimada ilaaliya oo ha ku soo xadgudbina dhulka iyo sooh-dimaha Somaliland, Somaliland,na way ka go’antahay in ay dalkeeda difaacato.”ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI oo khadka Tilifoonka ugu waramay Xogsoormedia.com isagoo ku sugan magaalada Ceerigaabo galabta.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland