Sheekh(Xogsoormedia.com) nin ayaa waran qudha kaga jaray laba ruux afarkalana dhaawacay, sida ay sheegayaan wararka aanu ka helayno degmada Sheekh ee gobolka Saaxil.
Waxaanay wararku intaas ku dareen in uu ninkani si badheedha u dilay, labadan ruux afarta kalena u dhaawacay.
Ninkan dilka geystay ayaa waxaa ay dadka deegaanka oo aanu la xidhiidhnay ay noo sheegeen in uu ahaa nin qaadiriyo ah amase qoladan suufiyada ah.
Dhanka kale dadkii dhaawaca ahaa ayaa loola cararay cisbitaalka guud ee Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, si loogu daweeyo inkasta oo ay dhaawacyadoodu halis yihiin.
Marxuumintan dhintay ayaa kala ahaa Maxamuud Maxamad Cawil, iyo Maxamuud Axmed Jaamac.
Taliyaha ciidanka bileyska ee degmada Sheekh Aamiin Axmed Cabdi ayaa sheegay inay hayaan ninkii gacanku dhiiglaha ahaa.
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland