Dawladda Soomaaliya Oo Dalkeeda Ka Eriday Hawl Wadeeno Hay’ad Samafal Turki Ah Inqilaabkii Dalkaa Gilgilay Ka Dib

0
358

Muqdisho(Xogsoormedia.com):- Xukuumadda Soomaaliya,ayaa dalkeeda ka eriday Hawwadeeno Hay’ad Sama Fal oo Turki ah ka dib inqilaabkii dhicisoobay ee dalkaa gilgilay xalay hawlwadeenadaas oo  gacanta ku  haysay Xarumo Caafimaad iyo dugsiyo waxbarasho oo gaar ah isla markaana cambaaraysay Inqilaabkii awoodda shacbigu fashilisay ee xalay gilgilay dalka Turkiga.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sida ay sheegtay iyadoo tix-gelinaysa  codsi uga yimi dhiggeeda Afgembiga ka badbaadday xalay ee Turkiga, ayaa shaqada ka joojisay Shaqaalaha ka hawlgalayay Dugsiyada Waxbarashada iyo Cusbitaallada Caafimaadka ee ay gacanta ku haysay Hay’adda Turkiga laga leeyahay ee Nile Academy ay ku lahayd caasimadda   Soomaaliya ee Muqdisho..

NILE-Academy-Turky-in-Muqdisho-Somalia

Shir deg-deg ah oo ay Xubnaha Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maanta ku yeesheen Hoolka Shirarka ee Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho oo uu guddoominayey Raysal-wasaaraha Xukuumadda Cumar Cabdirashiid Cali, ayaa ugu horreyn lagu cambaareeyey afgembiga fashilmay ee qaybo Millateriga Turkiga ka tirsani isku dayeen xalay ee fashilmay. Waxaana sidoo kale laga soo saaray shirkaas qodobbo lagu go’aamiyey shaqo-ka joojinta Shaqaalaha Nile Academy.

War-Saxaafadeedka ka soo baxay Shirka aan caadiga ahayn ee ay Golaha Wasiirrada Soomaaliya Sabtidii Maanta yeesheen, ayaa lagaga tacsiyeeyey dowladda Turkiga iyo Shacabka dalkaas dadka ku dhintay Rabshadaha xalay gilgilay Istanbuul iyo Ankara oo ay Shacabka Turkigu ka sameeyeen isu-soo-baxyo ay kaga hortageen afgembigaas oo intiisa badan awoodda shacabku fashilisay.

“Xubnaha Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay isla garteen qodobada soo socda iyadoo la tix-gelinayo codsiga dowlada Turkiga kuwaasoo kala ah:

  In la joojiyo adeegyadii ay bixin jirtay Hay’ada Nile Academy ee Dugsiyada, Cisbitaalada iyo wixii kale  ee  hoos-yimaada.

In hawl-wadeenada Nile Academy ay muddo toddoba Cisho gudahood ah in ay dalka kaga baxaan  taasoo ka billaabmaysa 17-ka bishan July 2016-ka oo ku beegan Axadda Berri ah.

    Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiya waxay si wadajir ah u ballan-qaadayaan in adeegyadii Caafimaad iyo Waxbarasho ee ay bixin jirtay Hay’adaasi sidoodii u sii socon doonaan. Maamul cusub-na loo sameyn doono.

  Xogsoormedia.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland