Guddoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Isbedelka Dawladda Ingiriiska’ Inqilaabkii Dhicisoobay Ee Turkiga iyo Diiwaan Galinta Codbixiyeyaasha Sanaag Xukuumaddana Farriin U Diray

0
350

“Waxaan Ognahay in laga soo horjeedo  In Dawlad Islaam ahi ay noqoto Dawlad dimuquraadi ah oo dadkeeda gaadha caddaaladna u xukunta.”  Faysal Cali Waraabe

Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay isbeledlka ku yimi hannaankii Dawladnimo ee dalka Boqortooyada Ingiriiska oo  afti dadweyne ugu codeeyay in ay ka baxaan Midawga Yurub isla markaana taladii dalka Raysal-wasaare cusubi ii la wareehay.

Waxaa kale oo uu Guddoomiye Faysal Cali Waraabe uu ka hadlay isku daygii inqilaabka dhicisoobay ee koox ciidamadda dalka Turkiga ka tuirsani ay xalay isku dayeen iyo Diiwaan galinta Codbixiyeyaasha ee saaka ka bilaabantay gobolka Sanaag.

Waxaa kale oo uu Farriimo u kala diray Xukuumadfda Somaliland iyo Haweenayda cusub ee noqotay Raysal-wasaaraha Boqortooyada Ingiriiska.

Hadaba halkan ka daawo Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo saaka shir jaraa,id ku qabtay Xarunta Guud ee Xisbigiisu ku leeyahay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

 

 

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

Xogsoormedia24@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland