Xukuumadda Somaliland Oo U Fasaxday Kooxda La Baxday Khaatumo State In Ay Ka Soo Qayb Gali Karaan Jinaasadda Aaska Marxuum Garaad Abshir

0
321

 

Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Xukuumadda Somaliland,ayaa iyadoo aan ku xidhin wax shuruud ah oo ay ku aqbalayaan qaranimada iyo Jiritaanka Madaxbannaanida dalka  Somaliland, waxay u ogolaatay in ay iman karaan kana soo qayb gali karaan horjoogayaasha kooxda uu hoggaamiyo Cali Khaliif Galaydh ee la baxday Khaatumo State oo sheegtay  in ay  yihiin maamul goboleed ka tirsan dawladda Federaalka Soomaaliya isla markaana sheegta qayb ka mid ah dalka Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Wacyigalinta iyo Dhaqanka Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid(Caddaani) isla  markaana ah Af-hayeenka Xukuumadda ayaa sheegay in ALLE ha u naxariistee garaad Abshir oo ka mid ahaa Madadhaqameedka Reer Somaliland oo ku geeriyooday dalka dibadiisa in lagu aasi doono isla markaana jinaasadiisu ay ka dhacayso deegaanka Widh Widh.

Waxaa kale oo uu sheegay in ay cid kasta oo reer Somaliland ahi ay ka soo qayb gali karto jinaasadda aaska Marxuum Garaad Abshir iyadoo aan loo kala eegayn Mucaarid iyo Muxaafid, waxaaanu intaa raaciyay in  ka qayb galka jinaasadu uu u  furan yahay hor joogayaasha kooxda Somaliland,diidka ah ee la baxday Khaatumo State isagoo aan ku xidhin ka soo qayb galkooda in ay u soo noqdaan Somaliland isla markaana ay cafis dalbadaan.

Iyadoo uu dalka  Somaliland uu uga yaallo qof kasta oo Somaliland u dhashay oo qaranimada Somaliland diidan isla markaana aan aqoonsanayn jiritaanka Madaxbannaanida Somaliland in uu yahay dambiile qaran oo aan dalka soo gali karin illaa uu codsi soo dhiibto isla markaana uu ka noqdo dambiga  uu dalkan iyo dadkiisaba ka galay lagana aqbalo.

Hadaba horjoogayaasha kooxda la baxday Khaatumo State ee uu hoggaamiyo Cali Khaliif Galaydh haddii ay yimaadaan jinaasadda aaska qaran ee lagu sagootiyayo ALLE ha u naxariistee Marxuum Garaad Abshir ma ka  ugu soo noqon doonaan mana aqbali doonaan madaxbannaanida Somaliland mise iyagoo federaal aaminsan ayay Widh Widh iyo goobta aaska garaadka Soomaaliwayn kaga doodi doonaan,iyadoo ay Xukuumadda Somaliland,na u jabisay sharci ay goleyaasha qaranku ansixiyeen oo ka yaalla qof kasta oo u dhashay Somaliland oo Somaliland-diid ah oo dalka yimaadda iyadoo aanu cafis Madaxweyne soo dalban oo aan  laga aqbalin.

Wasiir Caddaani ayaa waxaa kaliya ee uu carabka ku adkeeyay in ciidanka Qaranka Somaliland oo kaliya laga ogolyahay in ay sugaan ammaanka aaska Marxuum Garaad Abshir isla markaana aan la aqbali karin in ciidan kale uu yimaado,taasina waxay meel ka dhac ku tahay qaranimada Somaliland waxaanay muujinaysaa in  gudaha Somaliland ay ka jirto awood kale oo ciidan oo iman karta aaska garaadka ee Widh Widh.

halkan ka daawo Wasiir Caddaani oo ka hadlaya qaabka jinaasada aaska Marxuum Garaad Abshir loo qoondeeyay,cidda ka soo qayb gali karta iyo goobta uu  ka dhacayo.

 

 

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland