Burco(Xogsoormedia.com):- Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Togdheer Maxamed Diiriye Xayd,ayaa ka war bixiyay socdaal shaqo oo uu ku tegay degmada Duruqsi,socdaalkaas oo ka dambeeyay ka dib markii ciidanka uu tooska u maamulo Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Liyuu Booliska la yidhaahdaa ay ka soo tallaabeen xuduuda ay Somaliland iyo Itoobiya ka wadaagaan degmada Duruqsi.
Guddoomiye ku-xigeenka oo hor kacayay cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland isla markaana y socdaalkiisa ku weheliyeen masuuliyiin kale ayaa sheegay in socdaalkoodu la xidhiidho difaaca dalka iyo sugida xuduudda gobolka Togdheer uu la wadaago Itoobiya waxaanu intaa ku daray in xad gudubka ay Liyuu booliisku ku soo xad gudbeen soohdinta dalka Itoobiya in ay tahay mid aanay kula socon dawladda Itoobiya laakiin ay soo abaabuleen isla markaana ay gacan ku leeyihiin Hor jooge Cali Khaliif Galaydh iyo Maamulka Puntland.
Hadaba halkan ka daawo Guddoomiy Xayd oo arrimahaa ka hadlaya.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland