Laascaanood(Xogsoormedia.com):- Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun,ayaa socdaal diiniya oo uu ku baraarujinayo dadka gobolka Sool gaar ahaan magaalada Laascaanood ku tegay Xarunta gobolka Sool ee Laascaanood.
Socdaalka Sh. Mustafe ayaa waxaa warbaahinta hadal kooban ugu sheegay Guddoomiyaha Guddiga Qaban-qaabada Muxaadarooyin ay culimda gobolku maalmihii u dambeeyay ka wadeen gobolka Sh. Siciid Mustafe X. Nuur oo sheegay inuu qayb ka yahay Sheekhu Muxaadarooyinka ka socda Magaalada oo soconaya muddo todoba maalmood ah.
Sidoo kale, Nadwooyinkan oo Habeenimadii xalay ka billowday Masaajidka Jaamaca ah ee Laascaanood, ayaa waxaa furay Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed oo sheegay inay faa’iido badan u leh Bulshada, isagoo xusay in ay ka qayb-qaadan doonaan Culumo kala duwan iyo Mawduucyada ay u arkeen in bulshada ay wax-tar u leeyihiin.
Ugu dambeyntii, Sh. Mustafe Xaaji Ismaaciil, ayaa Caawa hoolka Jaamacadda Nugaal kula hadli doona bulshada ku noo degmada Laascaanood ee gobolka Sool.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland