Hargeysa (Xogsoormedia.com):- Xil Ka Qaadis uu mar kale Sameeyay Guddoomiye Faysal Cali Waraabe Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID,ayaa mar kale circa ku sii shareertay muranka Xisbiga dhexdiisa ka taagan iyadoo aanay wali go,aan ka soo saarein gudiga Diiwaan galinta Ururada iyo Ansixinta xisbiyada siyaasada oo gacanta ku hayay dacwad xisbigaas ka dhex jirta oo ay bishan Ramadaan gudaheeda dhegaysteen dhinacyada ay kala hoggaaminayaan Guddoomiye Faysal Cali Waraabe iyo Musharax Jamaal Cali Xuseen.
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Enj Faysal Cali Waraabe,ayaa qoraal uu soo saaray waxaa uu ku sheegay in uu xilkii kaga qaaday Guddoomiyaha Xsbiga ee Gobolka Saaxil Rooda Axmed Yaasiin,taasoo mar kale xisbiga dhexdiisa qaylo ka dhalisay.
Waxaa na ka hadlay Guddoomiye ku-xigeenka sadexaad ee Xisbiga Muj.Cali Yuusuf Axmed (Cali Guray ) oo ii usga laftiisa hore Faysal u sheegay in uu xilka ka qaaday.
Mujaahid Cali Guray oo qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa uu ku leeyahay Facebook,-ga ayaa yidhi
“Xafiiska Gobolka Saaxil miyuu arkay meel uu ku yaal weligiise ma booqday. Miisaniyadda dawladdu xisbiga siiso wax ma ka gaadhsiiyaa. Hal doolar miyuu ka bixiyaa kharashka ku baxa.
Kiradiisa yaa bixiya Berbera inta xisbiga ku jirta cidna ma ka yaqaan? Xildhibaanada xisbiga ee Saaxil ninka yidhi UCID kuma jiraan isagu UCID mayahay mise waa sheegato.
Bal ha soo magacaabo cid oo ha fadhiisiyo kursiga Gudoomiyaha. Sedexda Gobol ee Galbeedku uma tirsana dalka intiisa badanna dhuumashuu ku tagaa. Awadal xegeeda ma eego Hargeysi way taqqanaa wax uu u sheegi karaa ma jirto.
Berbera salaad hore inta aan la soo toosin ayuu maraa hadii kale kuma baydho ee wuu dul maraa sheekh birayga kuma waabiyo Burcana Galbeedka xagiisa ma eego gooladda ugu horeysa ayuu bari ula laabmaa PALAZA HOTEL oo koox baratay oo casaabad ahi ku sugayso ayaa ugu horeysa.
Kooxdaa wuxu u yaqaan ama isaga dhigtaan reer isaga taageersan oo codkooda isaga siinaya waanu rumaystaa ama waa kuwa keliya ee uu wax ka rumaysto ilayn way barteen oo waxay uga garaacaan xadhiga uu jecel yahaye. Markay 100 eray uu jecel yahay ugu celceliyaan ayuu kala bataa markay wuxu hayo ka saaraan ayuu isaga oo madaxwayne aan la dhaarin ah Hargeysa ku soo noqdaa.
Kuwa wax u soo yeedhiyaa was casaabadaa Daarul Nedwa, Jamaal waad ka qaadi kartaa ee ka qaad Caligurey ma xisbiguu kula leeyahay horta eri.
Ilaa xafiiskii keli ahaa ee shaqaynayay oo Galbeedka Burco ay dumar iskood u fureen oo kiradiisa sida ka Berbera ay iyagu iska bixiyaan ayuu intii ka shaqaynaysaba ku leeyahay waan kala diray. Waa waalidaa cas uun wixiisu in aanu ahayn qof jira oo damiir leh oo dadnimo leh oo diin leh isaga ayaa isku markhaati furaya” ayuu yidhi Muj. Cali Guray oo qoraalkan soo dhigay barta uu ku leeyahay shabakada xidhiidhka bulshada ee Facebook.
Salaanmedia/Hargaysa
Dhinaca kale Rooda Axmed Yaasiin Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Gobolka Saaxil oo ka hadashay xil ka qaadisteeda ayaa sheegtay in aanu xilka ka qaadi Karin guddoomiye Faysal isla markaana ay Xisbiga u siman yihiin.
Hadaba halkan ka daawo Rooda oo ka dareen celinaysa xilka qaadista Guddoomiye Faysal ku sameeyay.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland