“WADDANI Wuxuu U Taagan Yahay In La Dhiso Somaliland La Wada Leeyahay Soona Celiyo Kalsoonidii Dawladnimada.” Xildhibaan Ibraahin Buubaa Waraysi gaar ah

0
302

Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Afahayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ahna Guddoomiyaha Gudiga Joogatada ah ee Golaha Wakiiladda Somaliland Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa,ayaa sheegay in Xukuumadda KULMIYE intii ay talada dalka  ay haysay in ay ku fashilantay isku haynta iyo wada jirka qaranka Somaliland taasina ay sababtay in dalka gudihiisa lagaga dhawaaqay maamulo ka dhan ah Somaliland.Waxaa kale oo uu sheegay Afhayeen Buubaa in qabyaaladdu dabarka goosatay oo ay dalka ka noqotay mdi aan la kala qarsan oo meel xumaraysa

. index

Waxaanu intaa ku daray in  ka xisbi ahaan ay  u taagan yihiin in ay dhisaan Somaliland la wada leeyahay oo loo wada siman yahay oo aan la kala lahayn isla markaana ay yoolkooda ugu wayn siinayaan in ay soo celiyaan karaamada iyo milgaha qaranimada Somaliland oo ka wada hana qaada guud ahaan dalka Somaliland oo dhan,waxaa kale oo uu sheegay in ay la dagaalamayaan una taagan yihiin tirtirida qabyaaladda.

Waxaanu sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyay shabakada wararka ee Xogsoormedia.com

Ugu horrayn Af-hayeen Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo aanu waydiinay yoolka ugu way nee u qorshaysan Xisbigoodu in uu wax ka qabto haddii ay talada ddalka ku guulaystaan dooorashooyinka kal dambe oo soo socda dalka ka qabsomi doona,ayaa ku jawaabay. “Ugu horrayn waxaan u taaganahay in aanu soo celino kalsoonidii dawladnimada iyo wada lahaanshaha oo meesha ka baxday waxaa manta dalka ka jira in intii Xukuumadda KULMIYE talada ay haysay in  dalka meelo ka mid ah lagaga dhawaaqay maamul goboleedyo taas oo ay ka mid yihiin Khaaumo iyo ta lagaga dhawaaqay dhawaan Xiingalool kuwaasoo dhamaan wiiqay midnimadii iyo karaamadii qaranka Somaliland oo ka digay  fadhiid iyo wada jirkii dalka oo meesha ka baxay waxaa kale oo dalka ka dilaacday intii Xukuumadda KULMIYE talinaysay qabyaaladii  oo meel xun  dalka la maraysa oo xadjhkaha goosatay  oo noqotay wax aan la eegan karayn, markaa yoolkayaga koobaad wuxuu noqonayaa in aanu soo celino qarannimadii iyo karaamadii Somaliland oo aanu dhisno Somaliland la wada leeyahay oo aan la kala lahayn oo loo siman yahay oo aan la kala sarrayn oo ah  dawlad kaliya oo dad kaliya oo la yidhaahdo Somaliland ay leeyihiin.

Waxaa kale oo aanu la dagaalamaynaa oo aanu tirtiraynaa qabyaaladda xadhkaha goosatay oo aanu meesha ka saaraynaa waxaanan dhisaynaa Somaliland casri ah oo ka xor ah qabyaalad oo ka xor ah kooxaysi iyo qof jeclaysi iyo cid necbaysi waxaanan ognahay in maamulada lagaga dhawaaqay dalka gudihiisa in ay tabasho keentay waxaanan arrintaa ku dawaynaynaa oo aanu ku soo afjaraynaa in cid walibva ay xuquuqdeeda muwaadinnimo ee dastuurku siiyay in ay hesho oo aanay cidna uga marti noqon iyo in ay Somaliland noqoto dawlad umadeedu u wada siman tahay oo aan la kala sheegan Karin.

Waxa ugu wayn ee imika maqan ayaa ah wada jirkiii dalka iyo dadka taas ayaanan soo celinteeda ayaana ah yoolkayaga koobaad waxaanan ku soo celinayaa wada hadal iyo is qancin iyo wax wada lahaansho sababtoo ah cid kasta waxaa deeqda caddaalad markaa caddaalad iyo sinnaan iyo wax wada lahaansho weeyaan hadafka Xisbiga WADDANI.”ayuu yidhi Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa Af-hayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI  oo waraysi kooban khadka Tilifoonka ku siiyay shabakada Wararka ee Xogsoormedia.com

  Xogsoormedia.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland