Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI,ayaa ka qayb galay ciyaarta kama dambaysta ah ee Tartanka koobka Bisha Ramadaan ee La Ciyaar WADDANI oo ah koob uu dhiigay Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI.
Tartanka koobka la ciyaar WADDANI oo ka socday Gabilay oo ciyaartii kama dambaysta ay ka qayb galeen Masuuliyiin sar sare oo uu hor kacayay Guddoomiye Cabdriaxmaan Cirro ayaa lagu soo geba gabeeyay xarunta gobolka Gabilay.
Tartanka koobka Ramadaanta ee la ciyaar WADDANI,ayaa ahaa koob ay isku arkeen dhalinyaro ciyaartoy ah iyo taagerayaakl aad u tiro badan oo uu isu keenay koobka la ciyaar WADDANI oo ah koob uu dhigay Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI isla markaana uu ku dhiiri galinayay is dhex galka bulshada gaar ahaan dhalinyarada.
Tartankan ayaa intii uu socday is baray dhalinyaro aad u tiro badan oo ka kala socday gobolada dalka.
Hadaba halkan ka daawo geba gebada Ciyaarta kama dambaysta ah ee la ciyaar WADDANI.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland