Hargeysa(Xpgsoormedia.com):-Muj.Maxamed Xasan Cabdilahi(Jidhif) ayaa si adag uga hadlay wareejinta maarsada qadiimka ah ee dekeda Berbera isaga oo ku tilmaamay mid ay xukuumaddu ku fadqalalaynaso degenaanshaha gobolka Saaxil waxaanu sidaa ku sheegay mar warbaahintu wax ka waydisay ahmiyada ay leedahay Maalgalinta dekeda Berbera,waxaana hadaladiisii ka mid ahaa
“Qarnigii 21aad wuxuu gobolka Saaxil wajahay marxalado adag oo ay qayb ka ahayd dawladii rajiimka ahayd ee Siyaad Bare iyo dagaalo sokeeye oo kala.
danbeeyay,waxaanay mudooyinkii u danbeeyay u muuqatay mid ka soo kabanaysa dhamaan duruufahaa adag,waxaase nasiib darro ah in markii xukuumadan KULMIYE qabatay hoggaanka dalka in gobolka saaxil ka bilaabantay fadqalalooyin hor leh oo lagu kala furfurayo isku duubnaanta bulshada reer Saaxil.
Waxaad arkaysaan maanta in Dekedii Berebera xukuumadu tidhi waan maal galinanaa ay mudo 30 sano ah kakiraysay Shirkada laga leeyahay dalka isku taga imaaraadka carabta,waxaana laga qaatay lacag xaqu qalin lagu sheegay oo dhan 15 milyan, in dekeda Berbera la maalgaliyo waa mid ahmiyad u leh bulshada Somaliland balse waxaa jira fursado badan oo lagu maalgalin karo Dekeda,Dabcan hore ayay dawlado kale inoogu maalgaliyeen dekeda oo uu ugu horeeyo Dawlada ruushku mar labaadna dawlad waynaha maraykanka wax shuruuda oo ay intaa ku xidheena ma jirin,sidaas si la mida ayay ahayd in loogu raadiyo dekeda maalgalin aan ahayn kirayn taas oo aan marnaba dan u ahayn shacabka waayo dekeda berbera waa maarso istaraatiji ah oo ay inta badan daneeyaan caalamku, dadkeenu maanta waxay ku sugan yihiin nolol adag oo in si degdega wax looga qabto u baahan,mudo 30 sano ahina maaha mid ay dadku sugi karayaan.
Sidoo kale waxa uu Muj. Jidhif wax laga xumaado ku tilmaamay in aan la tixgalin xuquuqda shacabka reer Saaxil isaga sheegay in wax wada xaajood ah aan lagala yeelan balse si muquumin ah loogu wargaliayay in dekedii la wareejiyay.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland