London(Xogsoormedia.com):- Dadweynaha dalka Ingiiska ayaa saaka u dareeray codbixinta ay ku kala baxayaan Yurub diidka Ingiriiska iyo kuwa taageersan in dalkoodu uu ka sii mid ahaado midawga Yurub.
Britain waxaa maanta oo khamiis ah loo dareerayaa goobaha codbixinta afti taariikhi ah oo loo qaadayo in dalkaasi uu ka sii mid ahaado midowga Yurub iyo in kale.
Goobaha codbixinta ayaa furmi doona tobanka subaxnimo ee Afrikada bari,
Qiyaastii 46,499,537 oo qof ayaa xaq u leh in ay codkooda ka dhiibtaan aftidan, waana tiradii ugu badnayd ee codbixiyeyaal ah oo abid ka qayb qaata doorasho dalkaasi ka dhacda.
Aftidan ayaa noqonaysa aftidii saddexaad ee soo marta taariikhda dalka Britain, waxaayna ku soo beegmeysaa kadib afar bilood oo uu socday olole lagu doonayay in dhinacyada iska soo horjeeda ay ku hantaan kalsoonida codbixiyeyaasha.
Dhinicii ku guuleysta in ka badan kala badh codadka la dhiibto ayaa ku guuleysan doono aftidan.
Natiijada aftida ayaa laga yaabaa in ay kala caddaato ka hor inta aan rasmiyan lagu dhawaaqin maalinta Jimcaha ah.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland