Washington(Xogsoormedia.com):- Mudaneyaasha Xisbiga Dimuquraadiga ah ee aqalka Congress-ka dalka Maraykanka,ayaa muddaharaad fadhi dhul fadhi ah ka shex bilaabay aqalka Congress-ka,ee dalka Maraykanka ka dib markii mudaneyaasha aqalkaas ee Xisbiga Jamhuurigu ay diideen in cod loo qaado ka iibinta dadka rayidka ah hubka iyo in la meel mariyo sharci lagu xakamaynayo hubka ay dadka rayidka ahi ay iibsadaan.
Waxay codsanayaan in la keeno mooshin lagu xakamaynayo hubka dalkaasi.
Guddoomiyaha Aqalka ee ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, Paul Ryan, ayaa lagu qeyliyay mar uu isku dayay inuu si caadi ah u wado howlaha aqalka baarlamaanka.
Ryan ayaa tallaabadan xubnaha Xisbiga Dimuqraadiga ku tilmaamay mid shacbiyad doon ah.
Xubnaha Xisbiga Dimuqraadiga ayaa codsanaya sharciyo adag oo lagu xakamaynayo iibsashada hubka, maalmo kaddib markii toogasho ka dhacday goob lagu caweeyo ay ku dhinteen ku dhawaad 50 qof
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland