Safiirka Somaliland Ee Imaaraadka Carabta Oo Kulan La Yeeshay Amiirka Ras Al Khayma iyo Jaaliyadda deggan.

0
397

 

Jaaliyada Somaliland ee Ras al Khayma oo ballanqaaday difaacida heshiiska DP World ee casriyeynta dekeda Berbera

Ras al Khayma(Xogsoormedia.com):-.Safiirka Somaliland u fadhiya  Dalka Isu Tagga Imaaraadka Carabta Baashe Cawil Cumar, safiirka Somaliland u fadhiya dalka Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay in kulan uu la yeeshay hogaamiyaha mandaqada Ras Al Khaymah HH. Saud bin Saqar kaga wada hadleen iskaashiga u dhexeeya Somaliland.

safiirka imaradka

Kulanka Mr. Baashe Cawil iyo HH Saud bin Saqar oo ka dhacay qasrigiisa ayaa la sheegay inay kaga wada hadleen xidhiidhka qotada-dheer u dhexeeya shacabka Somaliland iyo mandaqada Ras al Khayma.

Kulanka oo Safiir Baashe Cawil ku weheliyeen xubno ka tirsan jaaliyada Somalilad ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa amiirka mandaqada Ras al khayma HH Saud bin Saqar la sheegay inuu ballanqaaday iskaashi dhexmara Somaliland, isla markaana amaanay kaalinta jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan kaga jiraan horumarka dhaqalaaha mandaqada.

Kulanka labada dhinac ayaa la sheegay in layskula qaatay wada shaqeyn dhexmarta labada wadan iyo labada shacab, isla markaana waxa loo ballamay in kulamo dambe oo hawlaha lagu sii ambaqaadayo la yeesho.

Kulankan dhexmaray wefdiga uu hogaaminayey safiirka Somaliland u fadhiya dalka Imaaraadka Carabta Mr. Baashe Cawil Cumar iyo Amiirka mandaqada Ras al Khayma HH Saud bin Saqar ayaa la filayaa inuu wax weyn ka qaato horumarinta iskaashi u dhexeeya labada wadan.

Dhinaca kale Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Imaaraadka Carabta ayaa kulan afuro iyo iswaraysi la yeeshay jaaliyadda ku dhaqan mandaqada Ras al Khayma.

Kulanka jaaliyada iyo safiirka oo ka dhacay huteel Hilton Double Tree ee magaalada Ras al Khayma ayaa Mr. Baashe Cawil uga waramay hawlaha horumarineed ee ka socda dalka iyo dhinacyada ay ka kooban tahay.

Mr. Baashe cawil ayaa sheegay in iskaashiga Somaliland ka hesho wadammada caalamka sannadihii ugu dambeeyey ku soo biiray dalka Imaaraadka Carabta oo ilaa immika mashaariico la taaban karo oo koobsanaya dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, biyaha, kaabayaasha ka fulisay deegeemo kala duwan oo dalka ka tirsan, kuwo kalena diyaar yihiin bilowgooda, isla markaana heshiiska dhowaan dhexmaray shirkada DP World iyo Somaliland ee casriyeyta dekeda Berbera yahay maalgashigii ugu balaadhnaa ee muddadii jamhuuriyadda Somaliland jirtay ka hesho caalamka, dariiq cusubna u furi doona maalgashiga dibadeed ee dalka iyo horumarka dadka io dalka Somaliland..

Xubno ka tirsan jaaliyadda Somaliland ee mandaqada Ras al Khayma oo kulanka ka hadlay ayaa si weyn u soo dhoweeyey isla markaana amaanay kulanka uu la yeeshay safiir Baashe Cawil, isla markaana ballanqaday inay diyaar u yihiin wada shaqeyn dhexmarta.

Jaaliyada Somaliland ee Ras al Khayma ayaa sidoo kale si weyn u amaanay kaalinta iyo dedaalada Safiirka Imaaraadka Carabtu Mr. Baashe Cawil ku lahaa inuu hirgalo heshiiska dhowaan dhexmaray shirkada DP World iyo Somaliland ee casriyeynta dekeda Berbera, isla markaana cadeeyey siday diyaarka ugu yihiin ka qeybqaadashada hirgelinta, dhaqan-galka iyo ka difaacida heshiiska DP World iyo dekeda

Berbera, oo wax weyn ku kordhin doona horumarka dhaqaalaha dadka iyo dalka Somaliland, cid kastoo isku deyda inay carqaladayso gudaha ama dibada ka joogane.

 

 

 

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

Xogsoormedia24@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeysa Somaliland