Halkan Ka Daawo; Wasaarada Waxbarashada Oo Shaaca Ka Qaaday Tirada Ardayda Sanad Dugsiyeedkan U Fadhiisatay Imtixaanka

0
475

Hargeysa(Xogsoormedia.com) Masuuliyiinta wasaarada waxbarashadda iyo tacliinta sare ee Somaliland ayaa shaaca ka qaaday tirada ardayda  sanadkan imtixaanka shahaadiga ah u fadhiisanaysa.

Sidaasna waxaa ay masuuliyiintu ku sheegeen shirjar,aaid oo ay ku qabteen xarunta imtixaanadka qaranak Somaliland.

Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland mudane Cabdilaahi Ibraahin Habane Cabdilaahi dheere oo halkaasi hadal kooban ka soo jeediyay isaga oo arrimahaas ka hadlaayana waxaa uu yidhi” imtixaanku waxaa uu ka bilaabmay 190 goobood isuguna jira dugsiyada hoose dhexe iyo kuwa sareba, Tirada ardayda sanadkan u fadhiisatay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada hoose dhexe waa shan iyo toban kun boqol afar iyo shan oo u kala baxa sagaalkun lixdan iyo todoba oo wiilasha ah iyo shankun sideed boqol todobaatan iyo sideed oo hablo ah, tirade u fadhiisatay dugsiyada sarena waa sagaal kun sagaal boqol iyo hal una kala baxa, lixkun afar boqol sagaashan iyo saddex wiilasha ah iyo saddex kun afar boqol iyo sideed, gabdhaha ah markaa laysu geeyo tirade saaka u fadhiisatay imtixaankan dugsiyada sare iyo kuwa dhexeba waa shan iyo labaatan kun afartan iyo lix arday oo ka koobaan bari ilaa galbeed’’

Halkan Kaga Bogo Warkaas Oo Faahfaahsan 

Wariye; Khadar Maxamad Xaashi (Khadarhoryaal) 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here