Dawladda Jabuuti Oo Markii Ugu Horraysay Ka Hadashay Casriyaynta Dekeda Berbera

0
421

Hargeysa (Xogsoormedia.com): Dawladda  Jabuuti ayaa markii u horaysay ka hadashay  heshiiskii hordhaca ahaa ee  xukuumadda Somaliland la gashay 9-kii Bishan May shirkadda DP World ee maalgalinta iyo balaadhinta ku samaynaysa Dekedda caalamiga ah ee magaalada Berbera.

Safiirka dalka Jabuuti u fadhiya Somaliland Xuseen Cumar Kawaaliye,  oo shalay u waramayay Idaacada VOA ayaa  sheegay in aan dawlada Jabuuti waxba ka khuseynnin  heshiiskii xukuumada Somaliland la gashay   shirkada laga  leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ee DP World. Waxaanu  tilmaamay Kawaaliye in Somaliland u madax banaan tahay qorsheyaasheeda horumarineed.  Waxaanu  yidhi “Waxaan u arkaa heshiiska Somaliland la gashay shirkadda DP World, wadan kastaaba wuu  u madax banaan yahay qorshihiisa iyo nidaamkiisa horumarineed, isagaa ka tashadda, anagana (Jabuuti), taasi nama khusayso meeshay doonaan haddii  ay tagaan, wixii u dan  ah  iyaga ayaa garanaya.  Waxaanan  u arkaynaa in ay horumarkoodii wataan.  Waxaan  ka dhexgalaynaana  ma jirto.”

Safiirku waxa uu sheegay in wadamada Somaliland iyo Jabuuti uu ka dhexeeyo xidhiidh qoto dheer oo walaaltinimo  iyo mid   wada shaqayneed.  “Xidhiidhka Somaliland iyo Jabuuti waxa aan ku tilmaami karaa xidhiidh qoto dheer oo walaaltinimo oo wada shaqayn ayaa naga dhexaysa.  si wanaagsan  ayaanu u wada shaqaynaa Somaliland, maantana muu bilaabmin ee waa mid taariikhi ah” ayuu yidhi safiirka Jabuuti ee Somaliland. Dhinaca kale Danjire,  Kawaaliye,  waxa uu ka hadlay hadal haynta la xidhiidha in madaxweynaha Somaliland aan si wanaagsan loogu soo dhawaynin xafladii  caleemo saarka madaxweynaha Jabuuti. Waxaanu sheegay  in madaxweynaha  Somaliland sidii ugu fiicnayd loogu soo dhaweeyay caleemo saarkii iyo dhaarintii madaxweynaha  Jabuuti.

Isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa  uu yidhi “Sidii ugu wanaagsanayd ayaanu u soo dhawaynay madaxweynaha Somaliland.  Sidii  madaxdii kale loo soo dhaweeyay, ayaanu u soo dhawaynay.  Waanan ku   marti qaadnay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)  laakiin nasiib xumo waxa dhacday in dadka qaarkood, af-lagaado u gaystaan madaxweynahayaga.”

Danjire,  Xuseen Cumar Kawaaliye,  waxa kale oo uu intaasi ku daray “Wax kasta waxaa   lagu xaliyaa dublamaasiyad iyo wada hadal, laakiin ma ogalin in madaxweynahayaga af-lagaado loo gaysto.  Waa  madaxweynihii Jamhuuriyadda Jabuuti, karaamadiisii ayuu sitaa iyo haybadii reer Jabuuti.  Waayo  annagu ma jeclin   in madaxweynaha Somaliland iyo Marwadiisa in aanu af-lagaadayno, waayo nama siin karayo damiirkayagu. Wasaarada  arrimaha dibada-na waa ka wada hadalnay, wasiirkana si fiican ayaan isku af-garanay.”

Geesta   kale waxa habeen hore lagu qabtay magaalada xaflad loogu dabaaldegayay caleemo saarkii madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele oo mar shanaadkii loo doortay  in uu hogaamiyo dalka Jabuuti.  Waxaana  xafladaasi ka soo qaybgalay safiirka dalka Jabuuti u fadhiya Somaliland iyo madax kale waxaanay ka hadleen xidhiidhka labada dal oo ay ku tilmaameen in uu marayo halkii ugu wanaagsanayd.

Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland

Khadarhoryaal@gmail.com

Xigasho; Dawannews.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here