Halkuu Maraaya Shirka Hogaanka Dhaqanka Ee Magaalada Qardho + Sawiro

0
415

Qardho(Xogsoormedia.com) Waxaa maanta si rasmi ah uga furmey magaalada Qardho Shir loogu magacdarey Madasha Wadatashiga Hoggaanka Dhaqanka Soomaaliyeed. Shirkan oo uu gogoshiisa dhigey Boqor Burhaan Boqor Muuse, waxaa ka so qaybgalay 110 oday Isim oo ka kala socdey dhamaan meelaha Soomaalidu degto.

Shirka furitaankiisi waxaa ka soo qayb-galay Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Cali Gaas iyo wefdi u hoggaaminaayo, waxaana uu furitaankii shirka ka jeediyey khudbad kooban oo uu uga hadley doorka oday dhaqameedyada. Dr. Cabdiweli ayaa sheegay in shirku aanu ahayn mid siyaasadeed, siyaasiguna aanu door ku lahayn, sidaas darteed maanta kubaddu ay la taalo oday dhaqameedyada lagana doonayo in ay ka faa’ideystan fursadda ay haystaan. Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in shir caynkan oo kale ah aanu horey uga dhicin Soomaaliya. Shirka oday dhaqameed ayaa casumaadiisa lahaa iyaga ayaa isa soo urursadey iyaga ayaana dhaqaalaha iska bixin, taas oo uu kaga duwan yahay shirkii 2007 oday dhaqameedyadu ku yeesheen Muqdisho.

Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa khudbad dheer oo dhunacyo badan taabanaysa ka jeediyey madashii furitaanka. Boqorka ayaa ka hadley in hoolka lagu shiraayo yahay kii isaga lagu caleema saarey 24 bilood ka hor maanta oo kale, maalintaasna laga codsadey in uu gaaro dhamaan dhaqanka Soomaaliyeed oo uu gogol u dhigo taasna Ilaahey amarkiis ay maanta dhacdey. Tan kale Boqorka ayaa ka sheekeyey socdaal dheer oo bilo qaatey oo uu ku marey dhamaan dhulalka Soomaalidu u qaxdey ee Yurub, Ameerika iyo Afrika, waxa laga dalbadeyna ay ahayd in dhaqanka Soomaaliyeed badbaadiyo dalka doorkiisana nabadeedna qaato.

Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa khudbadiisa ku soo qaatey in shirkaani yahay, is cafin, nabad wada qaadasho, bayaan dagaalka ka dhan ah laguna soo afjarayo dhamaan wixii Soomaali ka dhex dhacay, is dhexgalka bulshada, is dhexmarkooda iyo is aaminkooda.

Isimo aad u badan ayaa ka hadley furitaankii shirka waxaana ka mid ahaa:

Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaam Suldaan Cali Shire
Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde
Ugaas Maxamuud Ugaas Cali Ugaas
Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil
Ugaas Burtinle
Ugaas Cali Ugaas Maxamed,
Ugaas Cabdiraxmaan Xaaji
Ugaas Axmed Ugaas Sid
Iyo qaar kale oo badan

Dhanka suugaanta iyo taariikhda waxaa shirka ka soo qaybgalay Abwaano iyo taariikhyahano Soomaliyeed oo ay ka mid yihiin Axmed Cali Idaajaa, Maxamuud Cabdullaahi Sangub, Abwaan Suufi, Abwaan Jaamac Kediye, Abwaan Faandhe Gardarro iyo qaar kale oo badan oo gabayo dhaqan ka jeediyey shirka.

Shirka ayaa gelinkii danbe ee Salaasadda dib la isugu soo noqdey waxaana uu ahaa mid khaas u ah Isimada iyo oday dhaqameedyada, waxaana ay soo jeediyeen khudbado ay uga hadlayeen sida ay xalka u arkaan iyo walaaleynta dadka Soomaalida lugana dhigi lahaa ul iyo diirkeed.

Waxaa la galay wajigii labaad ee shirka, iyadoo la filayo in l soo afmeero maalinta Khamiista, isla markaana uu ka soo baxo Bayaan ay ku saiixan yihiin 110 Isim oo Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa la magacaabay shan xubnood oo ah guddi matalaya isimada ku sugan goobta, kuwaasi oo la wareegay howsha shirka isla markaana howshii kala wareegay guddigii qaban-qaabada shirki

Hoos ka akhriso magacyada guddigii howsha la wareegay

Ugaas Faracadde beesha Hawiye

Ugaas Maxamad Ugaas Xaashi beesha Daarood

Suldaan Xaydar Suldaan Suufi  beesha Digil iyo Mirifle

Iimaam Cismaan Maxamad beelaha shanaad

Ugaas Xaaji Cabdiraxmaan  Xaaji Xuseen beesha Direed

SAWIRO

Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland

Khadarhoryaal@gmail.com

Xigasho: Horseed media

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here