Halkan Ka Daawo: Jagooyinka Danyarta Iyo Waysaaqyaada Dumarka Ha Naloo Xaraasho Si Aanu Dalka U Qabsano “Gudoomiyaha WADANI”

0
421

Hargeysa(Xogsoormedia.com) Gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani Cabdiraxmaan Maxamad Cabdilaahi Ciro, oo mudooyinkii ugu danbeeyay safarku marayay dalka Maraykanka, ayaa intii aanu dalka ku soo noqon ka codsaday bulshoweynta reer Somaliland inay hantidooda ugu deeqaan xisbiga WADANI si ay talada wadanka ugu guleystaan.

Gudoomiye Ciro oo aan sheegin waxaa ay ugu abaalgudayaan ama ay daynta ugu celinayaan hantida uu dadweynaha ka codsaday, ayaa bulshada weydiistay, inay ugu deeqaan baloodhada banaan iyo haweenku waxay Dahab hayaan, si ay hogaanka dalka ugu guuleystaan taasi oo ka markhaati kacaysa sida uu xisbiga WADANI ugu dadaalayo, inuu ku guuleysto hogaaminta dalka inuu u maro hantida dadweynaha.

Halkan Ka Daawo Gudoomiye Ciro Codsiyada Kala Duwan Bulshada U Jeediyay 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here