Hargeysa(Xogsoormedia.com) Agaasimaha telefishanka caalamiga ah ee HCTV Maxamed Cabdi Sheekh oo uu wehelinayo agaasime xigeenka HCTV Xamse Cali Bulbul ayaa shahaado sharafyo guddoonsiiyay qaar ka mid ah shaqaalaha telefishanka iyo shirkadaha isgaadhsiinta ee somtel, telesom iyo somcable doorkii ay ka qaateen tabinta xuska 18-ka May.
Telefishanka caalamiga ah ee HCTV oo ka mid ah foollaadka warbaahinta muuqaalka ee somalida ayaa isku mar magaalooyinka Hargeysa iyo burco uga soo tabiyay xuska 18-ka May, waxaanu noqday telefishankii ugu horeeyay ee afka somaliga ku hadla ee laba magaalo dhacdooyin si toos ah uga soo tabiya.
Sawirqaadayaasha Sayid Maxamed Cumar, Xamse Cali Jeesto, Mukhtaar Mursal Xiin, Farsamayaqaan sare Cabdiraxmaan Gaashaanle, Cabdirisaaq Daa’uus iyo Madaxa Wax Soo saarka ee HCTV Maxamed Axmed Muuse (Kuraase) ayaa ka mid ahaa shaqaalihiii sida fiican u soo tabiyay 18-ka May, waxaana lagu abaal mariyay shahaado sharaf.
Dhinaca kale shirkadaha Somtel, Somcable iyo Telesom ayaa iyagana uu agaasimaha guud ee HCTV Maxamed Cabdi sheekh Ilig uu guddoonsiiyay shahaado sharafyo waxaanu xusay in aan la’aantood aanay u suurtogasheen baahinta tooska ee uu HCTV ka sameeyay Magaalooyinka Burco iyo hargeysa.
Waxa uu u mahad celiyay maamulada shirkadahaasi, oo iyaguna dhinacooda xusay in telefishanka HCTV uu la Yimid dedaal,lana dhacsan yihiin wada shaqaynta ka dhaxaysa.
Xogsoormedia.com
Xogsoor@gmail.com
Hargeysa Somaliland
Khadarhoryaal@gmail.com