Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Ka Hadlay Khilaafka Golaha Deegaanka Burco.

0
343

Hargaysa(Xafiiska Af-hayeenka)- Wasiirka Arrimaha GUdaha Somaliland Mudane Cali Maxamed Waran-Cadde ayaa maanta shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa kaga hadlay khilaafka golaha deegaanka ee magaalada Burco.

Wasiir Cali Maxamed Waran waxaa uu sheegay inaanay marnaba magaalada Burco yeelan doonin laba maayir lahayna ee ay leedahay hal maayir oo ah maayirkii hore loogu doortay degmadaasi.

“Waxaan Bulshada U Sheegayaa Inaanuu jirin maayir cusub oo loo doortay degmada BUrco ee ay leedahay maayir muraad oo kaliya mana jiro sharci lagu banaynaya in laba maayir la doorto”

Sidoo wasiirka oo wax laga waydiiyey sida lagu badly karo maayirkii hore waxaa uu yidhi “ dadku way is qabtaan marka la doonayo in maayirka la riddo aqlabiyada ayaa codsi keenta oo usoo gudbisa badhasaabka badhasaabkuna anuu iisoo gudbiyaa sidaasaa lagu doortaa hada waxaa jiro oo kaliya maayirkii hore”

Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland 

Khadarhoryaal@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here