Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Dawladda Dalka Tansaaniya ayaa sadex qof u qabatay weerar lagu qaaday Masjid dalkaas ku yaalla oo lagu dilay sadex ruux oo uu Iimaamkii Masjidku ka mid yahay.
Booliska dalka Tanzania ayaa saddex qof u soo qabtay weerar xalay lagu qaaday masjid ku yaala galbeedka dalkaasi, oo ay ku dhinteen ilaa saddex qof.
Booliska ayaa dhacdadaasi ku tilmaamay “weerar leh qaab argagixso”.
Dad goobjoogeyaal ah ayaa sheegay in kooxda weerarka gaysatay oo ka koobnayd ilaa 15 nin oo wajiyada soo duubtay, ay ku hubeysnaayeen faasas, masaaro iyo calan madow oo uu ka muuqdo qoraal cad.
Kooxda weerarka qaaday ayaa lagu soo waramayaa in masjidkaasi ay gudaha u galeen abbaaro 8-dii fiidnimo, xilligaasi oo salaadda cishaha lagu jiray, ka hor inta aysan fulinin weerarkaasi.
Dadka halkaasi ku dhintay waxaa ka mid ah Iimaamkii Masjidka iyo labo qof oo kale.
Afar qof oo kale ayaa lagu soo waramayaa in ay qabaan dhaawacyo halis ah.
Wararka ayaa intaa ku daraya in dadka ay weydiyeen kooxda Masjidka weerartay sababta ay u tukanayaan xilli dad muslimiin ah si xaq darro ah loogu hayo xabsiyada booliska ee dalkaasi.
Weerarkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kordheyso cabsi laga qabo in koox diimeedyo mayal adag ay ka bilaabmaan dalkaasi
Illaa imika ma jirto cid weerarkaa sheegatay masuuliyaddiisa.
Xogsoormedia.com
Haegeisa Somaliland