“Haddan Sidaa Modaayey Wiilashaday Uman Direen Inay Dagaal La Galaan Siyaad Bare“ Hooyo Reer Hargeysa Ah

0
255

Hargeysa(Xogsoormedia.com) Ciidamada Booliska Somaliland ayaa hab dhaqan liita ku sameeyey qaar ka mid ah Hooyoyinka ubadkoodu kaga dhintee dib ula soo noqoshadii qaranimada Somaliland ee lagu dhawaaqay 18 may 1991kii Subaxnimadii hore ayey hooyooyinkan oo ku faraxsan sanad guuradda shan iyo labaatanaad ee qaranimada Somaliland isugu baxee jidadka Magaalada hargaysa iyaga oo ku lebisan maryo uu ku xardhan yahay calanka saddexda midab ah.

Qaar ka mida ciidamada booliska oo ay ka muuqatao tobabar la’aan dhanka anshax ah ayaa tuur tuuray oo celiyey waalidanta u goblamay qaranimada Somaliland Hooyo Caasha Xasan ayaa cabirtay dareenkeeda iyo anshax xumada qaar ka mid ah Ciidamada booliska Somaliland oo ka madhan qaabka iyo anshaxa loola dhaqmo bulshada gaar ahaan Waalidiinta hamuunta u qaba inay arkaan sida Wanaagsan ee Ciidamada qalabka sida iskula helayaan jiibta iyo jaanta socodka ,waxaana ay tidhi “Waxa aan saaka gurigay uga soo baxay in aan daawado sida ay ciimada milaterigu u marayaan wadada aniga oo ku faraxsan balse mid ka mid ah ciidamad booliska ayaa i diiday oo i kala tuuray oo dhulka igu dhuftay waxa uu i xasuusiyey hab dhaqanka ciimadii Siyaad bare haddan sidaa modaayo wiilashaday uman direen inay dagaal la galaan siyaad bare”

Maaha markii u horraysay ee hab noocan oo kale ah ay Ciidamada Booliska ee Hargeysa ula dhaqmaan dadka, waxa ayna u baahan yihiin goob lagu baro anshax iyo qaabka loola dhaqmo bulshada“

Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland

Khadarhoryaal@gmail.com

. Sourcess :Mahiigaannews

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here