Somaliland Guulo Qaran Iyo Qaayo Lagu Gaadh Qarni Rubuc + Sawiradii

0
261

Hargeysa(Xogsoormedia.com) Guud ahaan Gobolada Somaliland waxa maanta Si weyn looga xusay sanad guuradii 25-naad ee ka soo wareegtay markii Somaliland ay ka go’day Soomaaliya sanadkii 1991-kii oo maanta laga joogo rubuc qarni.

Waxaana siweyn looga xusay magaalada Hargeysa ee caasimada Jamhuuriyada Somaliland, iyada oo ay goob kasta soo buux dhaafiyeen dadweyne ku xardhan calanka saddexda midaba ee Somaliland.

Waxaana xuskan maanta ee magaalada Hargeysa kala qayb galay dadweynaha Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamad Maxamuud Siilaanyo oo halkaas khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay.

Waxaana ka mid ahaa khudbadii uu Madaxweynaha Somaliland halkaas ka soo jeediyay “Dalka iyo dadka aan odeyga u ahay idiinma soo socdaan oo wey tashadeen Ee duca qabayaal idinku isku tashada oo aynu kala Turxaan la’aano.

Maantana Waxaanu Doorbidney In Aanu Noqono Dal Gaara Waxaanu Dan Moodney In Aynu Kala Noqo Laba Dal Siddii Aynu U Ahyn Lix Iyo Koton Sanno Ka Hor Waxaanu Doorbideynaa In Aynu Noqono Daris Wanaagsan Iyo Gacal Is Dugsada Oo Nabad Iyo Niyadsami Abid Kuwada Noolaada” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Mar uu Madaxweynaha Somaliland ka hadlayay dhanka arrimaha wadamada aynu jaarka nahay waxaa uu yidhi  “Dalalka Jabuuti iyo ethiopia waa dalal aynu jaar nahay, walaalona nahay, waxaana inaga dhaxeeya xidhiidh wanaagsan, cadawgoodu waa cadawgeena, cadawgeenuna waa cadawgooda”.

Magaalooyinka kale ee Somaliland ayaa guud ahaan waxa laga soo sheegayaa in ay munaasabadu ugu dhacday nabad-galyo.

Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland

Khadarhoryaal@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here