Madaxweynaha Somaliland Oo Fariin U Diray Dawlada Ku Meel Gaadhka Ah Ee Soomaaliya

0
312

Hargeysa(Xogsoormedia.com) Madaxweyne Somaliland Mudane Axmed Maxamad Maxamuud (Siilaanyo) ayaa fariin u diray xukuumada Soomaaliya waxaanu yidhi madaxweynuhu “Murti Soomaaliyeed baa tidhaahda “Dan Buu Reer Guuraa”, haddii aannu ahayn shalay kuwii midnimada doortay ee isku darkii labada dal ka dambeeyey, maanta waxaanu doorbidnay in aannu noqono dal gaar ah”

Madaxweyne Siilaanyo Isaga Oo Hadalkiisa siiwata waxaa uu intaas ku daray oo uu yidhi “Waxaannu dan moodnay in aynu kala noqono laba dal sidii aynu ahayn 56 sanno ka hor”

Siilaanyo isaga oo hadalkisa siiwata waxaa uu intaas raaciyay “Waxaanu doorbidaynaa in aynu noqono deris wanaagsan iyo gacal is-dugsada oo nabad iyo niyad sami abid ku wada noolaada.”

Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland 

Khadarhoryaal@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here