Halkan Ka Daawo: Ururka SISYO Oo Qabtay Munaasibad Ay Ku Weynaynayaan Xuska 18-Ka May

0
269

Hargeysa(Xogsoormedia.com) Waxaa saaka ka dhacday xarunta dugsiga sare ee Maxamuud Axmed Cali munaasibad balaadhan oo ay soo qaban qaabiyeen xubnaha Ururka SISYO oo ah urur dhawaan Ay dhidibada utaageen dhalinta reer Somaliland ee magaalada Hargeysa.

munaasibadan balaadhan ayaa waxaa ka soo qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshada reer Somaliland   ee ku dhaqan Magaalada Hargeysa.

Waxaana ugu horeyn halkaasi ka hadlay gudoomiyaha Ururka Sisyo, Mudane Cabdikariin Xuseen Axmed, wuxuuna ka warbxiyey waxyaabaha ururka loo aasaasay , waxa uqorshaysan iyo sidoo kale sidoo sida qabyaalada looga gudbi karo.

Cabdikariin Axmed Mooge oo ah qurba joogta qaranka Somaliland oo isaguna madashaas ka hadlay ayaa  Siwayn usoo dhoweeyay Ururkani.

Maamulaha dugsiga sare ee Maxamuud Axmed Cali oo isaguna halkaasi hadalkooban ka soo jeediyay ayaa siweyn u soo dhaweeyay dhalinta Fir fircoon ee Isu taagay, isuna abaabushay sidii qabyaalada looga saari lahaa meesha, dhalinyaradana looga badbaadinlahaa tahriibka iyo afooyinka camalka dhaawaca amase dib u dhigta sida balwadaha iyo wixii la mida.

  Midka mida dhalinta ururkan oo isaguna madashaas hadalka soo jeediyay, ayaa dhalinta kala gadisan ee Somaliland u soo jeediyay talooyin mihiima.

 Abwanadii iyo hal abuuradii ka tirsana ururkan dhalinyaro ee dada yar ayaa iyaguna halkaasi ku soo bandhigay, sugaan cajiiba oo ay kaga hadlayeen qiimaha ay wadaniyadu leedahay.

Masuul sare oo ka socday wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland oo isaguna halkaasi hadalkooban ka soo jeediyay, ayaa dhankiisa ku boogaadiyay ardayda dugsiga sare ee Maxamuud Axmed Cali iyo dhalinta Ururka Sisyo, inay sii xoojiyaan dadaalka ay u istaageen una kaceen halkaasna ay ka sii wadan dadaalkooda.

 isku soo wada duuboo munaasibadan balaadhan ee maanta ururku soo qaban qaabiyey ayaa badan keeda ahayd wada tashi, waxayna xubanaha ururkani ay sheegeen in kulamadani ay noqon doonaan kuwa joogta ah.

Ururkan sisyo ayaa mid aan dawli aheyn islamarkaana xoogana saari doona sidii dhalinyarada looga badbaadin lahaa aafada tahriibta iyo qabyaadalada iyo dhamaanba wixii horumarka dhalinyarada dib u dhigaaya.

Halkan Hoose Kaga Bogo Warkaas Oo Faahfaahsan

Wariye: Khadar Maxamad Xaashi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here