Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Guddoomiyaha Gobolka Badhan Cabdixakiin Maxamed Wahaabi,ayaa sheegay in Madaxdhaqameedka iyo waxgaradka iyo odayaasha Beesha uu ka soo jeedo Axmed Maxamed Jabiye oo sheegtay in uu yahay afhayeen Maamul ka madaxbannaan Somaliland oo uu kaga dhaqaaway magaalada Xiingalool ee Gobolka Badhan in ay iyagu wax ka qabanayaan isla markaana loo daayo oo aanay ka Maamul gobol ahaan wax tallaabo ah ka qaadin taasoo ay ku sababeyeen in ninka afhayeenka sheegtay uu yahay qof ay doonayaan in ay ogaadaan xaaladiisa caafimaad oo ay aanay xilligan wanaagsanayn isal markaana ay in dhawaydba xaaladiisa hoos ula socdeen.
Guddoomiyaha Gobolka Badhan oo khadka tilifoonka ugu waramay degelka wararka ee Xogsoormedia.com,ayaa intaa ku daray in ay ka war sugayaan tallaabada ay ka qaadaan odayaashiisu.
Guddoomiye Wahaabi oo arrimaha ka hadlayana waxaa uu yidhi. “Horta ka maamul ahaan ninkaasi markii uu waxaa aan jirin uu sheegtayba waxaanu amar ku bixinay in la soo qabto oo tallaabo laga qaado laakiin waxaa taa ka daba yimi codsi ay noo soo jeediyeen Madaxdhaqameedka,waxgaradka iyo odayaasha beeshiisa oo naga codsaday in aan la xidhin ee iyga loo daayo isla markaana ay wax ka qabanayaan waxaa kale oo ay odayaashiisu noo sheegeen in xaalada caafimaad ee ninkaasi aanay wanaagsanayn isla markaana ay dhakhar geynayaan.”
Guddoomiye Wahaabi oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray. “Kol haddii madaxdhaqameedkiisii iyo odayaashiisii naga codsadeen waxaanu maamul ahaan goosanay in aanu u dayno oo aanu ka war sugno kol haddii ay odayaashii beeshiisa ee Madaxdhaqameedka ahaa ay caddeeyeen in ninaasi waxaa uu sheegtay in aanay ku raacsanayn isla markaana uu yahay wax qaldan oo ka soo hor jeeda qaranmada Somaliland isla markaana isna uu yahay nin xaaladiisa caafimaad ay shaki galiyeen,naguna noqon mayno Maamul iyo Dawlad nin xanuunsanaya xidhay laakiin odayaashiisa ayaanu u daynaynaa sababtoo ah haddii uu nin fayaw yahay Xiingalool oo ciidankii qaranku joogo oo maamulkii degmadu joogo oo uu shaqaynayo waxaa kamu yidhaahdeen,warbaahintana waxaan leeyahay waxaad qoraysaan iyo cidda aad fariintooda qaadaysaan iska hubiya sida ay wax uga jiraan iyo xaqiida inta uu u jiro warka aad faafinaysaan.”ayuu yidhi Guddoomiyaha Gobolka Badhan oo khadka tilifoonka ugu waramayay Xogsoormedia.com
Waxaanu intaa ku daray in xaqiiqada gobolka Badhan la arki doono debbaal degga maalinta qaranimada Somaliland.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland