War: Deg Dega Xiingalool: Afhayeen Ay Madaxweyne Siilaanyo Saddex Magac Wadaag Oo Maamul Goboleed Kaga Dhawaaqay Gudaha Somaliland

0
364

Xiingalool(Xogsoormedia.com) Magaalada Xiingalool ee Gobollka Badhan ayaa lagaga dhawaaqay maamul  goboleed ka dhan ah madax banaanida Somaliland isla markaana taageersan, mabda Federaalka ee Soomaaliweyn, laba cisho ka hor maalinta dabaal dega xuska qaranimada Somaliland.

Afhayeen Axmed Maxamad Maxamuud Jabiye, oo ay Madaxweyne Siilaanyo Saddex magac wadaagan ayaa magaalada Xiingalool ee gobolka Badhan kaga dhawaaqay maamuul goboleed uu sheegay inuu taabacsan yahay dawlada Federalka ah ee Soomaaliya.

Magaalada Xiin-galool waxa uu sheegay in Madaxwaynaha Maamulka Waqooyi Barri ee dalka Soomaaliya loo doortey Ninka la yidhaahdo Cali Axmed Faarax oo hore maamulka puntland uga soo qabtey Wasiirka Qorshaynta Qaranka ee maamulkaasi.

Maamul goboleedkan Cusub ee lagaga dhawaaqay gudaha Somaliland ayaa lix ku ah kana soo horjeeda Madax banaanida iyo la soo noqoshada, Somaliland oo 1991-kii ka go’day Soomaaliya inteeda kale, waana maamul goboleedkii labaad ee intii xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ee Xisbiga Kulmiya talada Hayay lagaga dhawaaqay, gudaha Somaliland, iyado xukuumadihii ka horeeyay ee Udub  ay jireen, xubno Somaliland u dhashay oo diidan qaranimada Somaliland laakiin mabda ooda dibad meer la ahaa.

Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland 

Khadarhoryaal@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here