Xiingalool(Xogsoormedia.com):- Axmed Maxamed Maxamuud(Jebiye) oo maanta kaga dhawaaqay magaalada Xiingalool ee gobolka Badhan Maamul goboleed ka madaxbannaan Somaliland,ayaa sheegay in Somaliland ay isku diidan yihiin kuna kala aragti duwan yihiin in Soomaaliya iyo Somaliland ay kala go,aan.
Waxaa kale oo uu sheegay in Maamul goboleedkoodu uu yahay mid u taagan midnimada Soomaaliwayn isla markaana ay taageersan yihiin mabda,a Federaalka oo at raacsan yihiin dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
waxaa kale oo uu sheegay in maamul goboleedka ay ku dhawaaqeen in uu meesha ka saarayo Maamlka Khaatumo ee uu hor joogaha u yahay Cali Khaliif Galaydh.
waxaa kale oo uu Axmed Jebiye intaa ku daray in ay dhakhso u soo dhisayaan una soo dhamaystirayaan hogaanka xukuumadda maamul goboleedkooda oo uu sheegay in la yidhaahdo Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya.
hadaba halkan ka dhegayso waraysi uu khadka tilifoonka ku siiyay shabakada Xogsoormedia.com Axmed Maxamed Maxamuud Jebiye isagoo ku sugan magaalada Xiingalool ee gobolka Badhan.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland