Hargeysa(Xogsoormedia.com) Magaalada Hargaysa gaar ahaana xaafada Cabaaye waxa maanta lagu arkay dad saanka ama maqaarka iyo xubno kale ka goosanaya Waraabe saaka meesha lagu arkay isagoo yaalla kaas oo sida dadka xaafadu sheegeen ay dileen caruurta xaafadu kadib markii uu waagu ugu barayay isagoon ku laaban duurkii uu kasoo qadhaabsiga doontay.
HORN CABLE TV ayaa booqday goobta waxana aanu waraysanay dhawr qof oo ka mid ahaa dadkii xubnaha ka goosanayay Waraabaha kuwaas oo noo sheegay in ay guryaha dhiganayaan oo ay aaminsan yihiin in uu ka ilaalinayo Jinka iyo weliba waxyaabaha kale la baasaysto, qaarkoodna ay ka ganacsanyeen si dadka arimahasi aaminsan ay uga iibiiyaan.
dhinaca kale mid ka mid ah Culimada Hargaysa iyo dadka khibrada u leh asal ahaanta Warabaha iyo caadooinkii somalida oo aan wax ka waydiinaysay arrinka ayaa sheegay inaanay diiintu ogalayn arinkaasi.
Xogsoormedia.com
Xogsoor@gmail.com
Hargeysa Somaliland
Khadarhoryaal@gmail.com
Xigasho: Horn Cable
Hassan Saleban Harun (Galaydh)