“Jabuuti cadaawadeeda iyo xumaanteeda inooma qarsato …… “Waxna kama qaban karno in wax naloo qabtana dooni mayno taasi waa waali cad.” Xildhibaan Dheeg
Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Xildhibaan Maxamuud Maxamed Yaasiin Dheeg oo ka tirsan golaha Guurtida Somaliland,ayaa bulshada reer Somaliland ugu baaqay in ay nacaan cid kasta oo neceb reer Somaliland iyo dawladnimadooda,waxaanu intaa ku daray in cadawga koobaad ee Smaliland ay tahay dawladda dalka Jabuuti oo uu sheegay in ay ka xun tahay jiritaanka qarannimada Somaliland iyo masiirka umadeed ee ay gooni isugu taageen.
Waxaa kale oo uu xildhibaan dheeg ka hadlay heshiiska Xukuumadda Somaliland ay la gashay shirkadda ganacsiga dhanka dekedaha aee reer Imaaraad oo uu sheegay in ay tahay guul qaran oo Somaliland u soo hoyatay waxaanu soo jeediyay in la wada taageero isla markaana laga gudbo hadalkaaan waxba tarayn.
Waxaanu sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyay shabakada Xogsoormedia.com.
Ugu horrayn xildhibaan dheeg oo aanu waydiinay sida uu u arko heshiiska ay Xukuumadda Somaliland la gashay shirkadda DP world eek u saabsan dekeda Berbera,ayaa ku jawaabay.
“Horta heshiiskaasi waa kuwii la arki jiray ee caalamiga ahaa ee ay daladi cid la gali jirtay waana guul Somaliland u soo korodhay,laakiin umaddu haday tidhaahdo waxna qabsan kari mayno oo waanu u baahanay dadka kale gacantiisa wixii naloo qabanayona dooni mayno oo waxaanu moodaynaa in dalkayagii la iibinayo labadaasi wax is qaban karaya maaha.hadday reer Somaliland leeyihiin dhoobadii Ingiriiskii iyo Ruushkii meesha saareen mid ka dambaysa la saari maayo oo waxba laga qaban maayo dee Dundumada ha iska daawadaan haddii la doonayo in loo wanaajiyo oo la hagaajiyana ha sugaan oo wanaaga ha taageeraan. Laakiin waa la iibiyay,waa la iibiyay haddii dawladdii kasta ee timaadaba la yidhaahdo waxbay iibisay iyadoo aan waxba la iibin waa nasiib darro Daahir Rayaale ayaa la lahaa dalkii ayuu iibiyay imika ayaynu leenahay waa la iibiyay waar waa la iibiyay af maahee wax kale ku bedela oo waxaad tidhaahdaan lacagtii halkaa dawladdu ku kiraysay ama ku iibisay maxay ku qabatay laakiin maxaa wax loo qabanayaa af maaha.”
Xildhibaanka oo aanu waydiinay waxay Somaliland ka faa,iidayso heshiiskan,ayaa ku jawaabay. “Waxaynu ka faa,iidaynaa Dekeda Berbera oo caalami noqota oo marso wayn oo cid waliba wax kala soo degi karto laga dhigo oo la balaadhiyo waxaynu ka faa,iidaynaa qalabayn dhanka wiishahka iyo gaadiidka Dekeda ah oo Maraakiibta ugu waawayn caalamka wax ka dejin kara oo dekedu yeelato waxaynu ka faa,iidaynaa shaqo abuur oo markay dekedu balaadhato shaqaale kordhin ayaa la samaynayaa markaa waa horumar Somaliland u soo kordhay midda kale shirkadda heshiiska lala galay maaha mid aan jirin ee waa shirkadda Jabuuti shanta dekedood u dhistay ee Ingiriis uga maarmi waayay dekedihiisa ee gacanta ku haysa.”
Xildhibaanka oo aanu waydiinay dooda ah in shqo la,aani ay ka dhalanayso qalabka shiraddu dekeda keenayso oo dad badani ay ku shaqo waayayaan,ayaa ku jawaabay.
“Horta mar kasta oo wax la soo kordhinayo ujeedadeeduba waa shaqo abuur iyo horumar markaa in shaqaale kordhin la sameeyo mooyaan e,shaqaale la yaraynayaa caqli gal maaha oo waxaynu u soconaaba waa shaqo abuur,markaa taana waxaan leeyahay dadka ka shakisani ka haka shaki baxaan.”
Mudane Maxamuud Maxamed Yaasiin Dheeg oo aanu waydiinay 25 sano oo Somaliland ay xor ahayd walina aanay caalamka aqoonsi ka helin sida uu u arko iyo halka qaranka Somaliland uu higsanayo,ayaa ku jawaabay. “Somaliland waa mucjiso waxaana dhistay dadkeeda oo aan gacan kale cidnaka helin waana qaran ka soo dhex baxay duni aan dalna kaligii istaagi karayn,caalamkana waxay ku tahay caddaalad xumo in ay yidhaahdaan Xamarna waa Dawlad Hargaysina dawlad maaha iyagoo arkaya taana waxa ka socda tanna waxa ka socda,taasi waxay marag ka tahay oo ay ina tusaysaa caddaalad darada caalamka,Somaliland waa Dawlad ka dawlad san kana ammaan wanaagsan dawladaha ku xeeran oo dhan,wax la ilaaliyona amniga ayaa ugu wayn oo ugu mudan,Somaliland,na sidan ahaan mayso ee waxay noqon doontaa meel la arko waxay qabsatay oo wax lala qabto oo horumartay>’
Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray dardaaran uu u jeediyay Bulshada reer Somaliland oo uu ku adkeeyay in ay nacaan cidda neceb,waxaanu yidhi. “Mid qudha ayaan ku dardaarayaa reer Somaliland waxaanan leeyahay waar cidda idin neceb idinkuna naca,Jabuuti inooma qarsato xumaanteeda iyo nacaybkeeda,inaguna waynu daba soconaa uun qofka ku naca haddaad nici waydana dulinimo ayay kuu horseedaysaa,Dawladda Itoobiyana mahad ayay mudan tahay oo markii uu arkay halka uu taagan yahay Madaxweynaha Somaliland,ayuu Raysalwasaaraha Itoobiya toos ugu yimi oo uu ku salaamay.”ayuu yidhi Xildhibaan Dheeg.
Waxaanu waraysigan uu siiyay shabakadda Xogsoormedia.com uu ku soo afmeeray Xildhibaan Dheeg tuduc ka mid ah gabay uu tiriyay 1994,kii oo uu kaga hadlayay xaalad markaa taagnayd.
Maxamuud Maxamed Yaasiin Dheeg oo ka mid ah Suugaanyahanka foolaadha ah ee reer Somaliland,ayaa yidhi.
“Tuducan aan ka soo qaatay gabayga Xusuus oo aan u tiriyay Xamar,waxaan ugu maah maahayaa Jabuuti.
Haddii aan Xirsoow.
Waxaan ku nacay.
Xarafyo kuu taabto.
Xidid iyo xasabo dad aan
Midna kugu xaqdhawraynin.
Oon xaya dabbalayn.
Wuxuunbaa laga xishoodaaye.
Oon xuquuq Islaam.
Iyo dadnimo xeerinayn.
Waa xaraf su,aalee.
Maxaan ugu xidhaa maanta.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland