Roobab Qasaare Nafeed iyo Hantiyeed Ka Geystay Gobolada Sool Iyo Xaysimo iyo Guddoomiye Shiine Oo Ka Hadlay

0
343

Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Hal qof,ayaa ku dhintay danab ku dhacay deegaanka miyiga degmada Taleex ee Gobolka Xaysimo dhawr qofna waxay ku dhaawacmeen Taawarada magaalada Taleex oo dhacay iyo dhismayaal dumay ka dib markii uu deegaankaa  ay ka da,een roobab dabaylo watay.

Guddoomiyaha Gobolka Sool Mustafe Cabdi Ciise(Shiine) oo uga waramay Wargeyska Dawan qasaaraha roobabka ka da,ay gobolada Sool iyo Xaysimo ay gaysteen,ayaa intaa ku daray in wadada laamiga ah ee isku xidha magaalooyinka Burco iyo Laascaanood  in ay dhawr meelood ka go,day kuwaasoo kala ah laba meelood oo Laascaanood dhanka Burco ka soo xiga oo kala ah Buundada u dhaxaysa Guumays iyo Yagoori oo daadku gabi ahaanba gooyay isla markaana laga baydhayo oo dooxa la dhex marayo iyo Adhi Caddeeye iyo Yagoori dhexdooda oo wadada qasaare wayni ka soo gaadhay isla markaana haddaan dhakhso wax looga qaban iyana gabi ahaanba go,aysa iyo goob sadexaad oo ah Buundada Gambadha oo iyana go,day.

shiine

Guddoomiye Shiine,ayaa intaa ku daray in magaalada Taleex ee gobolka Xaysimo in uu roobku dumiyay inta  la ogyahay konton  guri isla markaana uu dhulka dhigay gabi ahaanba Taawaradii Isgaadhsiinta ee magaalada ku yaallay.

Guddoomiyaha Gobolka Sool oo qasaraha roobabkaa ka dhashay uga waramayay Wargeyska Dawan,ayaa yidhi. “Roob dabaylo wata oo ka da,ay xalay(habeen hore) magaalada Taleex iyo deegaanadeeda,ayaa waxaa ku dhintay  hal qof oo miyiga degmada ku geeriyooday ka dib markii uu danad ku dhacay,waxaa kle oo uu roobku qasaare wayn u gaystay guryaha magaalada Taleex oo ay ku dumeen 50 Guri,waxaana dhismayaasha dumay   qayb ka qaatay Taawaradii Isgaadhsiinta magaalada oo dhamaantood wada dumay oo daatay waxaana ku dhaawacmay sadex ruux.”ayuu yidhi Guddoomiye Mustafe Shiine.

Waxaa kle oo uu ka hadlay Guddoomiyaha gobolka Sool qasare ay roobabka gugu u geysteen waddada isku xidha Laascaanood iyo Burco oo  uu sheegay in ay laba Buundo Go,een  oo uu daad gooyay isla markaana aan la marayn oo looga degayo dhanka Dooxyada haddii uu daad marayona ay halis tahay oo aan la marayn taasoo uu sheegay in dhakhso wax looga qaban doono si aan look ala go,doomin iyo meel sadexaad oo imika qayb ahaan go,day oo u baahan in laga gaadho intaan daadku la wada tegin. “Roobabku waxay qasaare wayn u geysteen wada isku xidha Laascaanood iyo Burco oo waxaa uu daadku qaaday Buundada u dhaxaysa Guumays iyo Yagoori oo go,an isla markaana marka aan togga daad marayn dooxa ayaa la marayaa oo waa laga degayaa wadada haddii uu daad socdana waa la go,doomayaa,waxaa kale oo uu qasaare wayn gaadhsiiyay oo in uu daadku wada qaado inyar u jirta wadada u dhaxaysa Adhi Caddeeye iyo  Yagoori  oo uu qaybo dhan googooyay roobku waxaanan uga hawl galaynaa si dhakhso ah si aan wadada wax uga qabano,waxaa kale oo inaya uu daadku gooyay Buundada Gambadha oo dhinaca bari ka xigta magaalada Laascaanood taana wax ayaa laga qabanayaa markaa kolay  nimcada roobka ka caban mayno oo waxaynu ognahay qasaarihii inaga soo gaadhay abaarihii dalka ku dhuftay laakiin wixii inaga soo gaadha inagoo Nimcada ALLE ku shugriyayna ayaynu wax ka qabanaynaa.”ayuu yidhi Guddoomiyaha Gobolka Sool Mustafe Cabdi Ciise Shiine

 

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

Xogsoormedia.24@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here