Ganacsade C/raxmaan Boore Oo Markii Ugu Horeysay Ka Hadlay Hishiiska Wareejinta Dekada Marsada Barbara

0
323

Jabuuti(Xogsoormedia.com) –Ganacsadaha weyn ee  reer Jabuuti Mudane C/raxmaan Boorre oo ay siyaasad ahaan si wayn iskaga soo hor jeedaan Madaxwaynaha Dalkaasi Jabuuti Mudane  Ismaaciil Cumar Geelle ayaa  markii ugu horeysay ka  hadlay heshiiskii dhex maray Somaliland iyo shirkada Dubai World ee wareejinta Dekeda Magaalada Berbera kaasi oo sida la sheegay qayb ka ahaa dhex dhexaadinta labada dhinac.

Ganacsade Boorre

 

Ganacsade  C/raxmaan Boorre Qoraal uu soo dhigay Barta uu ku leeyahay Twiterka  ayaa qoraalkaasi waxaa uu u dhignaa sidan“Maanta maaha Markii ay xisbiyada Siyaasadu kala aragti noqon lahaayeen Horumarinta marsada Magaalada Berbera,waa arinta ugu mudan uguna saraysa ee ay tahay in ay dhamaan Reer Somaliland u midoobaan,”

Sidaasi ayuu qoraalkiisan ku yidhi ganacsadahan oo qayb ka ahaa heshiiskii Somaliland iyo Dubai World waxaanu Boorre ka faa,iidaysanaa xidhiidhka mugdiga sii galaya ee xukumada Somaliland iyo Jabuuti isaga oo ah ganacsadahani ninka kaliya ee sida wayn uu iskaga ilaaliyo dhinaca siyaasada Madaxwaynaha Jabuuti Mr Geelle.

Xogsoormedia.com

Xogsoor@gmail.com

Hargeysa Somaliland 

Khadarhoryaal@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here