Hargeysa(Xogsoormedia.com) Guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf Cali Guray, ayaa shirqool siyaasadeed oo ay gaysteen masuuliyiintii ku wehelinayay socdaalkii ay ku tageen Madaxweyne Siilaanyo iyo Weftigiisu ee ay kaga qayb galayeen caleemo saarka Madaxweynaha Jabuuti ku sheegay qaabkii quudhsiga ahaa ee loo maamuusay Madaxweyne Siilaanyo.
waxaanu ku taliyay in Madaxweyne Siilaanyo tallaabo ka qaado madaxdii safarkaa ku wehelinaysay oo ay ugu horreeyaan Wasiiradii Xukuumaddiisa ka tirsanaa ee la socday. ka dib qabkii maamuska xumaa ee ay dawladda Jabouti u soo dhoweysay Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamad Maxamuud (Siilaanyo) Waxaanu Cali Guray eedo culus huwiyay , masuuliyiintii la socotay Madaxweynaha ,kuwaasoo u badnaa Wasiiro isla markaana uu ka mid haa Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE. Cali Guray oo boggiisa Facebook-ga kaga hadlayey dhacdadan ayaa u qoray sidan:-
(Calaa kuli xaal Madaxwayne Siilaanyo waa inu qoorta ka guraa wasiiradiisii sii hor cararayay waayo iyaga ayay marka hore ahayd inay sii og yihiin hab.maamuuska lagu qaabili doono mise waabay ogaayeen ee waxay ahayd sababtu shirqool.
Runtii lama dafiri karo waxa meesha ka dhacay inuu ahaa bahdilaad, xaqiraad, iyo sharaf dhac. Axmed Silanyo wuxu doono ha noqdo laakiin inuu madasha lagu bahdilay isagu ahaa Madaxwaynaha lagu soo doortay sida ugu dimuqraadisan ee xor iyo xalaasha ahi inu isaga laftiisa ahaa la iskuma hayo. Xasan Sheekh u kac oo u sacab tun may qabanayn ilaahay hortii. Waxa ka fiicnayd in aan laba soo casumin ama uu ka cudur daarto inu ka qaybgalo. Laakiin ha la yaabin laxiba shilalkay is dhigto ayaa lagu qalaaye. Hadaad adigu is ixtiraami waydo cid kalena ha ka filin inay ku ixtiraanto wax aan intaa ahayn oo dhacayna ma jirto)
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland