Muqdisho(Xogsoormedia.com) Magaalada Muqdisho looga dhawaaqey ama lagu Daahfurey Xisbi Siyaasadeed loogu Magacdarey Xisbiga Horumarinta Muwaadiniitma Soomaaliyeed (Citizen For Somali Progress Party ) oo marka la soo gaabiyo loogu dhawaaqayo (CPP) waxaana Munaasabadaas ka qayb galey Xildhibaano, Wasiiro,, Madaxda Xisbiyada Siyaasada Dalka, Odoyaasha Dhaqanka , Culimada’udiin, Ganacsato, Haween, Dhalinyaro iyo Marti Sharaf kale
“Xisbiga Mabaa’iidiisa waa Difaaca Xaquuqda Muwaadinka Xoriyadiisa Asaasiga, Sugida Amniga Bulshada iyo Sare u qaadida Nolosha Qoyska Soomaaliyeed, La Dagaalanka Musuqmaasuqa, Cadaalad-darada , Eexda, Qabyaalada, Jahliga iyo Faqriga, Dhiiragelinta Haweenka iyo Dhalinyarada si ay kaalin muuqata uga qaataan Horumarka, Dib u dhiska Siyaasada, Hogaanka Dalka iyo Dhismaha Garsoor Hufan oo Cadaalad ku dhisan “ sidoo waxaa yiri Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mudane Cumar Xaaji Maxamed Shuuriye
Xubnihii kale ee halkaa ka Hadley waxaa ka mid ah Gudoomiyaha isbaheysiga Xisbiyadda Siyaasadda Saciid Jaamac Cali Qoorsheel waxaa uu sheegey in Isbaheysigiisu uu soo dhaweynayo Xisbiga Horumarinta Muwaadiniinta Soomaaliyeed isagoo sheegey In Madaxda Xisbiga ay yihiin kuwo ay ka go’an tahay in ay ka mira dhaliyaan yoolkooda oo isku keenida Ummadda Soomaaliyeed
Waxaa kale oo Munaasbadaas lagu Daahfurayey Xisbiga Horumarinta Muwaadiniita Soomaaliyeed ka Hadley Xaniifa oo ku hadleysey Magaca Haweenka Soomaaliyeed iyadoo ku faraxsan Xisbiga ku soo biirey Xisbiyada Soomaaliyeed in Haweeenka Soomaaliyeed Guud ahaan ay la shaqeyn doonaan .wixii Talooyin ah ay ku biirin doonaan
Xubnihii kale ee ka Hadley Munaasabadaas Waxaa ka mid ahaa Gudoomiyayayasha Xisbiyada Daljir iyo Kulan Axmed Macalin Fiqi iyo Cabduqaadir Barnaamij waxayna labadoodu ay sheegeen in a ay soo dhaweynayaan Xisbiiga Horumarinta Muwaadiniita Soomaaliyeed waxayna ka Codsadeen Baarlamaanka Federaalka in ay dedejiyaan Xeerka iyo Sharciyada Xisbiyada oo ay sheegeen in uu saldhig u yahay in dalka Soomaaliya ay ka dhacdo Doorasho Xor ah oo Dimoqoraadi ah.
“ Xisbiga Horumarinta Muwaadiniinta Soomaaliyeed aad baan u soo dhaweynayaa waana Xisbiga aan dhihi karo mid dhibaatada ka saari kara umadda Soomaaliyed sidoo kale waa uu u soo jeediyey Xisbiyada kale in ay soo dhaweeyaan Xisbigaan “ sidaa waxaa yiri Wasiirka Tamarta iyo kheyraadka Biyaha Danjire Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan
Gabagabadii Gudoomiyaha Xisbiga Horumarinta Muwaadiniinta Soomaaliyeed Axmed Cali Muuse Ababakar oo ka Hadley Munaasabadaas ayaa waxaa uu yiri “ Sababtaan u dooraney Magaca Horumarinta Muwaadiniita Soomaaliyeed waxay tahay in Xisbiga uu ka shaqeeyo sidii dalka uu u horumarin lahaaueen islamarkaana Mawaadiiniinta Soomaaliyeed u heli lahaayeen Xaquuqdooda Aaasaasiga sida adeegyada Guud ee Bulshada
waxaana intii ay socotey Munaasbadaas lagu daahfurayey Xisbigaas dadka waxaa Maaweelinayey Fanaaniin Soomaaliyeed Kooxda SHAMBAL oo halkaa ku soo bandhigey Heeso qiirageliyey Dadkii Munaasaabadda ku sugnaa
Xogsoormedia.com
Xogsoor@gmail.com
Hargeysa Somaliland
Khadarhoryaal@gmail.com
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Xogsoormedia.com